Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay bixitaanka ciidamada Mareykanka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay qorshaha uu Mareykanka ugala baxayo ciidamadiisa gudaha Soomaaliya, ka hor inta uusan xilka wareejin Donald Trump.

Qoraalkan oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Mareykanka ee uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya.

Somaliland ayaa arrin wanaagsan ku tilmaamtay in xilligan Mareykanka uu ciidamadiisa ka saaro gudaha Soomaaliya, loona baahan yahay in dal kasto uu isku filnaado.

Sidoo kale xukuumadda Muuse Biixi ayaa ku faantay in Somaliland ay isku filan tahay marka loo eego qabashada doorashadeeda iyo ammaanka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xalay Trump uu soo saaray amarkiisii ugu dambeeyey ee dhammaan ciidamada Mareykanka looga saarayo gudaha Soomaaliya.