Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay qaadista xayiraadda hubka Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda maaulka Somaliland ayaa maanta war la yaableh kasoo saartay go’aankii Golaha Ammaanka QM ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliyda, kadib muddo 31 sano ah oo ay saarnayd xiyaaraad dhanka hubka ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa walaac looga muujiyay go’aankan oo ay sheegtay inuu xambaarsan yahay khatartiisa, ayada oo sheegtay in tallaabadan ay sababi karto halis weyn oo ka dhalaneysa, haddii hubka loo fasaxo Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay walaac xooggan ka muujinaysaa ka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taasi oo saarnayd tan iyo 1992-kii oo uu soo saaray Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 733 (1992)” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto go’aankan, marka loo eego kooxaha xagjirka ah iyo maleeshiyaad ay sheegtay inay ku xoogan yihiin Soomaaliya, ayada oo tusaale usoo qaatay ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatuma.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in khatartaas ay ku sii baahi karto gobolka oo dhan, haddii aan hadda laga hortegin.

“Waxaan waayo-aragnimo u leenahay cawaaqib xumada ka dhalan karta fidinta hubka aan la xakameynin, waxaanan ka feejigannahay khatarta kooxaha xagjirka ah iyo ciidamada maleeshiyaad ka ah, soo ifbaxa kooxo maleeshiyo beeleed ah sida kuwa Laascaanood oo la safan kooxaha xagjirka ah waxay muujinaysaa khatar cad oo hadda ka jirta gobolka”.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale ay Somaliland ku sheegtay in Soomaaliya aanay lahayn nidaam fiican oo ay hubka ku xakamayso taasi oo sababi karta in hubku uu gacanta u galo gacan kale, kadibna uu waxyeeleyn karo ammaanka guud ee Soomaaliya iyo dariskeeda.

Gabagabadii ayaa waxaa warsaxaafadeedkan looga codsaday Golaha Ammaanka ee QM inay ka fiirsadaan go’aankooda oo ay tilmaameen inay ka dhalan karto dhibaato wayn.

Somaliland ayaa sidaan oo kale dhawaan uga hortimid ku biiritaankii Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, balse ma jirto cid warkeeda dhag jalaq u siisay, waxayna arrimahaasi qayb ka yihiin, sida ay uga soo horjeedo go’aanada iyo horumarka Soomaaliya.