Somaliland oo ‘xad-gudub iyo dambi’ ku tilmaamtay hubkii la siiyey Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markale ka hadashay hub ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya, xili ay saaran tahay cuno-qabateynta hubka ee golaha amaanka qaramada midoobay.

Somaliland ayaa dembi iyo xad-gudub sharci ku tilmaamtay hubkaasi loogu deeqay dowladda Masar, oo ay hore uga hiilisay xiisada kala dhaxeysa Itoobiya ee wabiga Nile-ka.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrintaasi ka hadlayey ayaa muujiyey inay rajo weyn ka qabaan in beesha caalamku ay wax ka qabato talaabada loogu deeqay hubka Soomaaliya oo xad-gudub sharci ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ayaa si weyn uga horyimid in dowladda Masar ay xiligan hub ugu deeqdo dowladda Soomaaliya, iyada oo lagu eedeynayo inay dagaalo sokeeye ka wado qaar kamid ah gobolada dalka.

“In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi iyo xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Somaliland ayaa iyadu qabta inay waxyeelo badan kasoo gaari karto hub ay xiligan hesho dowladda federaalka Soomaaliya, maadama uu kala dhaxeeyo xiisad xoogan oo siyaasadeed.