Masuul ka tirsana maamulka Dayniile oo mindi lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu dilay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabduqaadir Fooldibi, kaas oo ahaa guddoomiyaha laanta ama waaxda Halgan ee degmada Dayniile.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay falkan ayaa waxaa ka dhacay guri ku yaalla degmadaasi oo uu marxuumka deganaa.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi ay ka dambeysay xaaskiisa oo Mindi ku dhufatay, islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray, balse markii dambe uu ku dhintay isbitaalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka iyo xaaskiisa uu soo kala-dhex-galay muran, islamarkaana ay si gaadma ah ugu dhufatay Tooreyda .

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dayniile oo ku aadan dilkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan dhacdo ugub ah ama ku cusub magaalada Muqdisho in haweeneyd ay disho sayigeeda ama ninku uu dilo xaaskiisa.