Somaliland oo xal u heli la’ caqabadaha hor-taagan doorashooyinkeeda (Aqri)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa soo jeedisay in caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee ku gudban doorashooyinka Somaliland looga gudbo hab sharciya.

Shirkii Golaha Wasiirrada ee khamiistii qabsoomay oo uu Shir-gudominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biix Cabdi, ayaa waxa Golaha Wasiirradu ku go’aamiyeen in caqabadaha siyaasadeed ee doorashooyinka looga gudbo hab waafaqsan sharciga.

Qoraal kasoo baxay Shirkaas ayaa waxa lagu yiri “Goluhu isaga oo ka duulaya dareensana ahmiyadda ay doorashooyinku u leeyihiin Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan”

Caqabadaha siyaasadeed ee ku gudban Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa kamid ah isla markaana ugu muhiimsan muranka ka taagan Saami-qeybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, kaasi oo ilaa hadda aan wax xal ah laga gaarin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com