Senetor Jurille : Labo ayaa inoo hartay mana lagu baraarugsana doorashada

Muqdisho (Caasimada Online)-Senetor C/risaaq Cusmaan Jurille oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay muddada u hartay dowladda Soomaaliya iyo culeesaadka ka jira doorasho dalka ka dhacda 2020/2021.

Isaga oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe ayuu sheegay inay u tageen Puntland inay kulamo la qaataan madaxda maamulkaasi, iyaga oo kala hadlaya arimo badan oo ay kamid yihiin siyaasadda dalka labada sano ee u hartay dowladda.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada labada aqal iyo madaxtooyada kaliya labo sano ay kaga hartay muddo xileedkooda, islamarkaana ilaa iyo hadda aan la iska wareysan hanaanka doorashada xigta ee dalka ka dhaceyso iyo qaabka ay noqoneyso.

Wuxuu walaac badan ka muujiyay in doorasho ka dhici weyso dalka, maadaama aan ilaa iyo hadda go’aan cad laga gaarin qaabka ay noqoneyso doorasho ka dhacdo dalka.

Wuxuu sheegay in magaalada Garowe ay u tageen sidii arimahaasi ay kagala hadli lahaayeen madaxda Puntland, islamarkaana xubnaha Puntland ku matala dowladda ay go’aano u qaadan lahaayeen.

“Labo sano ayaa naga dhamaatay labadaasi sano wax isku yimid ilaa maanta ma jirto oo ka wada hadlay arimaha doorashada, ma waxaan ku noqoneynaa qaabkii hore, ma qaab cusub ayay noqoneynaa doorashada, waa inaa isku nimaadaa oo arimahaan  ka wada hadalnaa”ayuu yiri Senetor Jurille.

“Khilaaf xoog leh oo dastuurka dalka ah ayaa jira, waxaa todobaadkaan Meel ka baxsan Somalia ku shiray xubno badan oo dhaliilsan dowladda iyaga oo ka walaacsan Soomaaliya iyo halkay ku socoto, dalkoodana culees ayay kaga shiri waayeen.”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dowladda Soomaaliya ayaa wajahday mucaaradkii ugu badnaa, waxaana xubnaha Puntland matala ay qabaan dhaiilo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com