Somaliland oo Xamar ‘usoo masaafurisay’ Xildhibaan Mustafa Cali Dhuxulow

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa saaka dib u siiyey xorriyaddiisa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan golaha shacabka , sidoo kalena ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/2021-ka.

Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in mas’uulkaasi ay ka soo masaafurisay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku soo wajahan yahay magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa waxaa shalay lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka dagay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in ujeedka safarka Musharrax Mustaf Dhuxulow uu la xiriiray, kadib casuumaad uu ka helay hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka.

Weli war rasmi ah kama soo bixin Somaliland oo ku aadan xariga iyo masaafuriska mas’uulkaasi oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaaliya.

Xarigga la-gula kacay Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada ee Internet-ka.

Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso ictiraaf ay uga go’eyso Soomaaliya inteeda kale ayaa si weyn uga soo horjeeda dowladda federaalka, waxaana weli sidii la rabay u socon wada-hadallada labada dhinac oo siyaabo kala duwan uga dhacay dalal dhowr ah.