Xuseen Macallin: “Waxaa socda abaabul ku saabsan caga jugleyn diimeysan iyo dhiig baneysi siyaasadeed”

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Xuseen Macalin ayaa ka digay qatarta ka dhalan karta hadal uu dhawaan guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Filish uu dil ugu hanjabaya musharaxiinta mucaaridka.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in halis weyn ay tahay in la isku dhex milayo siyaasadda doorashada iyo caga-jugleyn diimeysan oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeeray Siyaasiyiin iyo mas’uliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Waxa uu xusay in arrinta noocaas ah lagu yaqaanay kooxaha xagjirka ah, oo iyagu baneysta dhiiga shacabka aan waxba galabsan, kuwaasi oo adeegsanaya aayado jeebkooda ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ii muuqata qatar in la isku dhex-milayo siyaasaddii doorashada iyo caga-jugleyn diimeysan oo looga bartay kooxaha xagjirka ah oo ummadda dhiigooda baneysan jiray, iyagoo adeegsanaya aayado jeebkooda ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in falalka mas’uuliyada dowladda ay ku cadeynayaan Villa Somalia inay wado abaabul dhiig baneysi ah, kaasi oo qatar hore leh u horseedi kara dalka.

Xuseen ayaa culimada ugu baaqay inay arrintan ka hortagaan inta aysan xidideysan oo xadhka goosan, isla markaana aan laga shalaaynin dhaq-dhaqaaqa Farmaajo bilaabay ee ah “in siyaasiyiinta aayado isugu dhiig baneystaan.”

Hadalka La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka ayaa imanaya xili uu dhawaan guddoomiye Filish uu sheegay inuu tallaabo adag ka qaadi doono mucaaridka hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona ku baaqay in la dilo mucaaradka, wuxuuna dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo ku jira Suratul Axzab.

Aayadahaas ayaa aheyd:

لَّئِن لَّمْ يَنتَهِ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ وَالْمُرْجِفُونَ فِي الْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَا إِلَّا قَلِيلًا (60) مَلْعُونِينَ أَيْنَمَا ثُقِفُوا أُخِذُوا وَقُتِّلُوا تَقْتِيلًا

Dhawaaqa Filish ayaa sidoo kale xiisad hor leh ka dhex abuuray dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka, kuwaasi oo markii hore isku khilaafsanaa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan guddiyada ka shaqeynaya doorashooyinka oo ay qaadaceen mucaaridku.