Kulankii xildhibaanada baarlamanka PUNTLAND oo lagu kala tegay + Sabata

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xildhibaanada baarlamaanka Puntland ku lahaayeen magaalada Garoowe ayaa lagu kala tegay, kadib buuq hareeyey fadhigaas oo ahaa kii 19-aad ee golaha wakiilad dowlad goboleedka Puntland.

Kulankan waxaa shir guddoominayey, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Mudane  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay dhinac fadhiyeen, ku xigeenkiisa koowaad Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo ku xigeenka labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Dooda ayaa ka dhalatay, ka gadaal markii xildhibaano ka tirsan golaha ay dalbadeen in wariyeyaasha laga saaro hoolka, taas oo uu ka horyimid guddoomiyaha, waxaana ka sii dhalatay arrintaas buuq hareeyey fadhiga baarlamaanka oo mar dambe lagu kala tegay.

Xildhibaanada gudbiyey codsiga ayaa doonayey inay soo bandhigaan cabasho ay sheegeen inay ka tirsanayaan golaha xukuumadda Garoowe.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay hakadka ku yimid kulanka baarlamaanka oo uu maanta hortegay wasiirka qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange,

“Waxaan hakiyey fadhigii maanta sida ku cad Qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ka dib markii ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii shaqada golaha.” ayuu yiri guddoomiyaha golaha wakiilada.

Si kastaba ajandaha kulankan ayaa ahaa la Xisaabtanka golaha xukumadda Puntland ee madaxweyne Siciid Deni, si ay xildhibaanadu su’aalo uga weydiiyaan xaaladda guud.