Al-Shabaab oo ‘dagaal kula wareegtay’ Bacaadweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah iyo dagaal xigay oo saaka aroortii hore dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bacaadweyne oo ku yaalla bariga gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar dheel-masho ah ku ekeysay fariisimo ciidamada huwanta ay ku lahaayeen halkaasi, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegtay in dagaal kadib ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaasi, islamarkaana ay gudaha u gashay xeryo ay ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka, qeybta 21-aad ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi ku qabsatay illaa shan gaari oo nooca dagaalka ah iyo hubkooda, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale weli ma jiro wax faah faahin ah oo Galmudug ay ka bixisay dagaalkaasi & weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona haatan dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobollada dhexe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidanka huwanta ay ka wadeen gobollada Galgaduud & Mudug.