Somaliland & Puntland oo aqbalay 4 qodob oo hesiis ah balse hal qodob diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka ayaa sheegaya in maamulada Puntland iyo Somaliland ay aqbaleen afar qodob oo caalamka ay usoo jeediyeen.

Afarta Qodob ayaa u muuqdo  kuwo wadamada IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay doonayaan in lagu dhameeyo xiisadda dagaal ee Tukaraq iyo murunada gobolka Sool.

Qodoba Afarta gaaraya ee ay isla qaateen labada maamul ayaa kala ah:-

  • In xabadda la joojiyo, lana qaato nabadda oo lasameeyo aagag ka caaga ciidamada labada dhinac.
  • In la ogolaado in gargaarka aadanuhu uu gaaro dadka ku barakacay dagaaladan ee gobalka Sool.
  • In maxaabiista dagaalka lasii daayo si loo abuuro jawi wada hadal Taliyaasha ciidamadda.
  • In lasii wado dadaalada la xariira nabadda, gaar ahaana kulamada dhaqanka iyo dhalinyaradda si colaaddan xal rasmi ah looga gaaro.

Laakiin Wararka dadka deegaanka ay warbaahinta la wadaageen ayaa ah in dhinaca Somaliland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen in Afti laga qaado dadka deegaanka maadaama labada dhinac ay aamisan yihiin inay gobolka leeyihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diidamada ugu badan ay ka timid dhanka Somaliland, waxaana arintaasi ay kordhin kartaa xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ee ka taagan gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com