Dhaq-dhaqaaqa jabhada Caarre ee Somaliland oo ina bareysa hal qodob

Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad ay horseed ka yihiin saraakiil ka gadooday maamulka Muse Biixi ee Somaliland ayaa habeenkii arbacada xoog kula wareegtay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

General Caarre oo ah hoggaamiyaha Jabhaddan ayaa hore wacad ugu maray in uu deegaanada Garxajis, gaar ahaan Habar Yoonis ka saaro taliska Muuse Biixi.

Hadaba, maxaa laga baran karaa dhaq dhaqaaqa cusub ee Jabhadda Caarre?

Caarre waxa uu muujiyey habacsanaanta iyo kala daadsanaanta maamulka Somaliland oo markii horeba mucaarad hubeysan kala kulmayey bulshada gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyo waliba Awdal.

Tan iyo markii uu Muuse Biixi oo horey uga tirsanaa jabhaddii SNM la wareegay talada Somaliland waxaa soo kordhayey tabashada dadka reer Somaliland ay ka sheegayaan taliskiisa.

Sidoo kale xisbiyada mucaarad ah ayeysan jirin mid xiriir la leh Muuse oo la daala dhacaya Somaliland.

Dhawaan ayey ahayd markii uu Faysal Cali Waraabe ka xarig furtay xukumadda Biixi isaga oo sheegay in uu ficil (Dagaal) waxa ku tusi doono.

Hadda dagaalka ka soo cusboonaaaday Sanaag, xilli ay furmo ka furnaaneeyeen Tukaraq, waxaa lagu soo kobi karaa Somaliland waxa ay u baahan tahay badbaado, laga badbaadiyo Muuse Biixi.

W/Q: Guuleed Axmed Baashe
Hargeysa, Somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid