Daawo:- Somaliland ”RW Kheyre saami ayuu ku leeyahay Hamaha shidaalka Berbera”

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa goordhow ku dhawaaqay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu saami ku leeyahay Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera.

Guddiga dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland, ayaa sheegay inay heleen cadeymo muujinaaya in Ra’isul wasaare Kheyre uu Saami ku leeyahay Haamaha shidaalka Berbera.

Guddiga oo sheegay inay soo afmeeren baaritaano ay kawadeen magalada Berbera ay ku ogaaden in Ra’isul wasaare Kheyre uu saami ku leeyahay shidaalka.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mid ah Guddigaas, ayaa sheegay in maanta ay booqdeen  Keydka haamaha ee Dekada  Berbera, waxa uuna sheegay inay soo heleen xaqiiqooyin badan.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha Somalia uu saami ku leeyahay Shirkada  laga kireeyey Keydka Haamaha shidaalka Dekada Berbera ee ‘’Berbera oil Group’’, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Naasir ayaa yiri ‘’Waxaan qireynaa in baaritaankeena uu nooga soo baxay in Ra’isul wasaare Kheyre uu saami ku leeyahay Haamaha shidaalka ee ’Berbera oil Group’’.

Waxa uu intaa kusii daray ‘’ Waxaa halis ku jira Hamaha shidaalka Berbero, waxaan helnay macluumaad ah in saamiga Hamaha uu ku jiro Xasan Cali Kheyre’’

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxaa jiro cadaw ka faa’iideysanayo Shirkadan ku bahoobay halkaan oo intooda badan laheynba cida leh ayna diideen in ay sheegaan Berbera Oil Group,waxan xaqiiqsanay in Ra’isul wasaaraha  Somalia uu qeyb ku leeyahay saamiga’’

Sidoo kale, Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, ayaa sheegay inay jiraan cadeymo ay u hayaan in Ra’isul wasaare Kheyre uu saami ku leeyahay Hamaha shidaalka Berbera.

Haddalka Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, ayaa imaanaya kadib markii maanta uu Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Iimaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash uu sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, islamarkaana aysan aqoonsan waxa loogu yeero Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan arrintaani si rasmi ah u xaqiijin cid aan aheyn maamulka Somalia, waxaana suuragal ah in looga jawaabayo haddalka kasoo yeeray Imaaraadka ee boholaha mugdiga ah ku riday Rajadii ay Somaliland ka qabtay.