Dhageyso: Wareysiga Wasiiru Dowlaha A/Dibadda Imaaraadka ee beeninta aqoonsiga Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan warkeenii hore ku sheegnay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka sii xumaaday ee kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa soo bilowday tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay dowlada Imaaraadka joojisay barnaamijyadii ay  ka waday Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee isu tagga Iimaaraadka Carabta, Anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka Carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.

Qarqaash ayaa soo hadal qaaday heshiiska Berbera ayuu tilmaamay in uu kala hadlay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana Heshiiskaasi uu yahay mid u muuqda inuu u baahan yahay in lasoo cusbooneysiiyo.

Anwar Maxamed Qarqaash wuxuu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban qol xiran.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA ANWAR QARQAASH OO DHAMEYSTIRAN