7 jir isagoo ah ayuu ka cararay deegaankii uu ku dhashay tacadiga, dilka iyo indha-xumada taallay awgeed:
Wuxuu ahaa nin nololeed, qoyseed lehna saaxiibo badan. Iyadoo wax kasta u fiican yihiin, ayuu Muqdisho tagay. Nasiib darro maalmo kooban kaddib waxaa qarxay dagaal xooggan. Wuxuu go’aansaday inuu markale qaxo oo nafta badbaadiyo.
Habeenkii sannadka cusub loo dabaaldegayey ee 2006, ayaa ciidanka Kenya ka qabteen soohdinta Kenya iyo Soomaaliya. Isagoo indhaha ka xiran ayaa la geeyay xabsi ku yaalla Nairobi. Waxaa u yimid, wareysi indha-guduudis ku jirana la yeeshay labo sarkaal oo Ethiopian ah oo ay wehliyaan kuwo Kenyan ah.
20 maalmood kaddib, aroornimo Sabti ah ayaa qeybta shixnadaha (cargo) ee garoonka JKIA si qarsoodi ah looga duuliyay. Wuxuu isku dayey inuu diido, wuu qeyliyay, oo dhulka ku galaangashay. Waa la garaacay illaa uu yeelay dhoofinta qasabka ah ee meel aanu garaneyn loo wado. Wuxuu kaliya awooday inuu xaaskiisa oo joogtay Canada waco una sheego waxa dhacaya. Diyaaradda waxaa la saarnaa 34 kale oo midkoodna aanu garaneyn!.
Saacad iyo bar kaddib waxay diyaaraddii ka degtay garoonka Aden Cadde: Alla waa dhulkeygii Soomaaliyeed. Laakiin ma noqon. Ma uusan fileyn in halkaa (ciidda Soomaaliyeed) markale lagu jirdili doono.
Si fiican uma xusuusto halka lagu hayey, wuxuuse hubaa inay meeshu Xamar ahayd. Maalmo kaddib isaga iyo 16 kale oo dhammaan wada Soomaali ah ayaa diyaarad Militariga Ethiopia leeyihiin loogu qaaday Addis Ababa. Halkaas ayey cadaabtii adduunka markale uga billaabatay!!!
Waxaa la isugu beddelay xabsiyo kala duwan oo qaar dhulka hoostiisa ku yaallaan; Wareysiyo dhaadheer oo qaarkood habeenka saq barkiii lala yeeshay; garaacid joogto ah ayaa lagu waday jeer uu naftaba ka quustay. Waxaa loo heystaa inuu ONLF iyo Maxkamadihii Islaamka ee Soomaaliya taageerayey, wuuse diiday dhammaan eedahaasi. Markii dambe waxaa loo soo jeediyay talo: “War ninyahow si aad meeshan uga baxdo, nala shaqeyso, oo noo noqo jaajuus Dowladda Ethiopia u soo basaasa dadka Soomaaliyeed.” Taasna “MAYA” ayuu ka soo istaagay!. Waxaa ugu danbeyn lagu xukumay xabsi madaxaa-haku-furto ah.
Inta waxan oo dhan dhacayaan, waxaa dadaal, dacwad iyo karti diblomaasiyadeed waday Dowladda Canada iyo golayaasha u dooda dadka lagu xadgudbo. Waraaqo isdaba-joog ah, cambaareyn iyo arrimo kale ayaa dhacayey.
11 Sano kaddib April 2018 ayaa laga siidaayey xabsigii cadaabta ee Ethiopia. Laakiin kama niyadjabin u ol’oleynta caddaaladda iyo xorriyadda dadkiisa.
Bashir Axmed Makhtal hadda wuxuu ku laabtay Jigjiga markii ugu horreysay tan iyo toddobo jirkiisii.
Sheekadiisa wax badan kama duwana tii aabihii Makhtal Daahir. 1949 ayuu u safray Muqdisho si uu uga qeybgalo shirkii dhaqdhaqaaqii xorriyad doonka ee dhalinyaradii SYL. Laakiin waxaa dhexda ka qabtay ciidankii gumeysigii Ingiriiska, waxayna u soo dhiibeen Boqorkii Ethiopia Haile Selassie. Waxaa lagu xukumay dil, markii dambena loogu beddelay xabsi daa’in. 50 sano ayuu ku jiray xabsiga Ethiopia.
(Sheekadan waxaan ka tarjumay qormo ay qortay Juweyriya Cali oo shahaadada PhD ku diyaarisa Jaamacadda Westminister ee London.)
W/T: Cabdalle Axmed Muumin