28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

SOOMAALI boob iyo dhac xoogan lagu hayo tan iyo xaley (Faah-Faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Johannesburg (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan wax boob lagu hayo dukaamo ay lee yihiin Soomaalida ku ganacsata .

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee koonfur Afrika, Cabdiraxmaan Raabbi, oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in kooxo madow Koonfur Afrikan ah in ay boob ku hayaan tan iyo xaley dukaamo badan oo ku yaalla xaafad ku taalla Johannesburg.

“Boobkii xaley billowday ayaa ka socda location ka suweto iyo nawaaxigeeda kaasooo ila iyo saaka ka socda duleedka magaaladda johannesburg, dukaamo Soomaaliyeed oo la gubay xalay dadkii dhex jiifay oo raq iyo ruux midna la arag ilaa hada. wixii faah fahin dib ayaan ka soo sheegeynaa inshaa allaah.” Ayuu yiri guddoomiyaha.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dhibaato noocan oo kale laga soo wariyo dalka Koonfur Afrika oo noqday meelaha ugu horeeya ee lagu dhibaateeyo Soomaalida dibedda.

Ma jirto cid ilaa hadda wax ka qabtay dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News