Soomaali kale oo lagu dilay K/Sudan

Juba (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Suudaan ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Soomaali ganacsato ah.

Afar qof oo muwaadinniin Soomaali ah ayaa lagu diley xeeb ku dhow magaalada Bor oo ah caasimada gobalka Jognaley 190 km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Juba ee caasimada Koonfurta Suudaan.

Wiilashan Soomaalida ayaa waxaa dilay kooxo hubeysan oo kala dagay doon ay la socdeen sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Maxamed Duuboow Caliyoow oo doonta la saarnaa wiilasha Soomaalida ah ee la dilay.

Wuxuu kaloo sheegay in uu isaga ka badbaaday markii uu isku xiray musqusha doonta oo uu ku badbaaday, kadibna dableyda soo weerartay ayaa afduub ahaan u wadatay.

Meydadka wiilasha Soomaalida ah ayaa la sheegay in badda lagu tuuray narkii la dilay.

Wiilka kaliye ee ka badbaaday dilkaas Maxamed ayaa sheegay in 14 maalin u xirnaa ciidamada mucaaradka Koonfur-Sudan hadda waa lasoo daayay, wuxuuna joogaa xadka ay wadaagaan Koonfur-Sudan iyo Uganda.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya tirada Soomaalida ku dhimmatay dalka Koonfurta Suudaan oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya dowladda io mucaaradka.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in ay soo daad gureyneyso muwaadiinniinta ka joogta Koonfurta Sudan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Naiorbi

Caasimada@live.com