Soomaali lagu xir-xiray dalka ZAMBIA oo lasii daayey

Ndola (Caasimada Online) – Dowladda Zambia ayaa dib xoriyadooda u siisay qaar ka mid ah Soomaalida saacadihii lasoo dhaafay lagu xirxiray gudaha dalkaas.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Zambia Maxamuud Maxamed Xasan oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in inta badan lasii daayey muwaadintiniintii Soomaaliyeed ee saacadihii lasoo dhaafay lagu qab qabtay howl-gal ka dhacay gudaha magaalada Ndola.

Maxamuud ayaa sheegay in howl-galka uu ahaa mid kadis ah oo laga sameeyey xaafadda ay u badan tahay Soomaalida, wuxuuna xusay in aan horey loo siin wax digniin ah.

“Magaalada Ndola waxaa xaafadda ay u badan tahay Soomaalida ka dhacay howlgal lagu xiray muwaadiniin u badan Ganacsato, wax sabab ah nooma sheegin markii aan la xiriirnay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Zambia maadaama dadkaan sharci ay ku joogaan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ki daray in weli ay xiran yihiin Soomaali kale oo ganacsato ah, isla-markaana gaaraya illaa 50 ruux, balse loo reebtay sharciga oo ka dhacay aawgiis.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambiya ayuu xusay in haatan ay waddo dadaallo dheeraad ah oo lagu soo deynayo dadkaasi, iyaga oo u maraya wada-hadallo dhanka dowladda ah.

“Hay’adaha ammaanka waxa ay la hareen Dad ku dhaw 50-ruux oo sharciga uu ka dhacay balse dedaalkeena waa sidii loogu cusbooneysiin lahaa si loosoo daayo, Dowladda Zambia inkastoo maamulka uu cusub yahay laakiin waan kala hadalnay arrintaan” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada ay dowladda Soomaaliya si kulul uga hadashay xariga muwaadiniinteeda lagula kacay, isidoo kalena cambaareyn u jeedisay dowladda Zambia.