Xildhibaan Mahad Salaad oo arrin yaab leh usoo jeediyey Sheekh Maxamed Shaakir

Guriceel (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay xiisadda u dhaxeysa dowlad goboleedka Galmudug iyo Ururka Ahlu-Sunna ayaa beeniyey in wadahadallo ay u socdaan Galmudug iyo hoggaanka Ahlu-Sunna, isagoo ka sheekeeyey qaabkii ay ciidamada Sheekh Shaakir uga baxeen Guriceel.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu ciidankiisa uga dhuuntay dagaalkii Guriceel, kadib markii ay xaaladdu ku adkaatay, waxuuna sharaxaad ka bixiyey qaabkii uu uga baxay Guriceel,  iyadoo ay ka dhex dagaalamayaan ciidamadiisa.

“Markii dagaalku xoogeystay ayuu Sheekh Shaakir wacay culumo ku sugan Gaalkacyo, nimankaasna waxay soo waceen Xildhibaano iyo Senatarro aan anigu ku jiro, waxay naga codsadeen in wadaadka iyo ciidankiisa wado ay ku baxaan la siiyo, seddax saacadood ayaa loo qabtay, kaligiis ayuu baxay ciidankiina dagaalkii ayuu gala yiri,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in  Sheekh Shaakir uu ku sugnaa deegaanka Huurshe maalmihii dagaalka adag ay Guriceel ku wajahayeen ciidamadii uu ka soo uruuriyey deegaanada miyiga ah, sida uu sheegay.

“Hadii jihaad meesha yaallo muu yimaado oo isagu ku dhinto, marka uu wiilasha isku leynaayo,” ayuu yiri Mahad Salaad oo hadalkaan ka jeediyey kulan ka dhacay gudaha degmada Guriceel.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Sheekh Shaakir uu ka been sheegay maamulka Galmudug oo aysan jirin cid wadahadal la gashay ama la hadli doonta.

“Beenta uu ninkaas ku hadlaayo qof bini’aadan ah ma qiyaasi karo, waxuu sheegay in wadahadal uu uga baxay Guriceel, laakiin niman odayaal ah oo is xilqaamay ayaa ciidankii uu meesha uga dhuuntay ka bixiyey si loo badbaadiyo, markii ay gaareen Bohol ayuu ka soo baxay howdka, waxuuna ugu sheekeeyey in wadahadal ay la galeen maamulka, wax ka jirana maleh oo cid la hadashay ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahad Salaad.

Hoos ka daawo