Sacuudi Carabiya oo qaaday tallaabo xasaasi ah kadib hadalkii George Kordahi

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii ku amartay safiirka Lubnaan inuu dalkeeda uga baxo 48 saac gudahood, waxayna joojisay dhammaan badeecadihii dalkaas looga soo dhoofin jiray.

Boqortooyada ayaa ka carootay hadal uu sheegay wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi oo dagaalka Yemen ku qeexay “gardarrada” Sacuudiga. 

Saacado kadib, boqortooyada Bahrain ayaa amartay safiirka Lubnaan inuu dalkeeda uga baxo laba maalmood gudahood, sabab la mid ah tan Sacuudiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Lubnaan ayaa ka wada-hadlay go’aanka Sacuudiga, waxayna weydiisteen wasiirka warfaafinta inuu qaato “go’aan ku habboon,” oo u muuqda in loogu baaqayo inuu is-casilo, ayada oo la rajeynayo inay xiisadda qaboojiso. 

Warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaa warbixinteeda ku dartay in sidoo kale safiirka boqortooyada ee Beirut loogu yeeray inuu dalkiisa kusoo laabto.

Warbiixnta ayaa sheegtay in tallaabadan aysan saameyn doonin kumanaan qof oo reer Lubnaan ah oo ku nool, kana shaqeysta Sacuudiga.

Go’aanka Sacuudiga ay ku mamnuuceen badeecadaha uga yimaada Lubnaan ayaa imanaya xilli dalkaas uu u baahan yahay lacagta dibedda, maadaama uu ku jiro xaalad dhaqaale oo aad u xun.

Tan iyo 2019, lacagta geniga Lubnaan ayaa lumisay 90% qiimaheeda, waxaana kumanaan qof ay wajahayaan shaqo la’aan iyo saboolnimo.

Kordahi ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in Xuutiyiinta ay Iran taageerto “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray in ay xulufada Sacuudiga ay duqeeyaan “guryo, xaafado, tacsiyo iyo xaflado aroos.”

Waxa uu sidoo kale dagaalka Yemen ee socda toddobada sano ugu yeeray “macno-darro”, isaga oo sheegay “in la joogo waqtigii la dhammeyn lahaa.”

Ra’iisul Wasaaraha Lubanaan Najib Mikati ayaa sheegay inuu ka xun yahay tallaabada Sacuudiga wuxuuna ugu baaqay boqortooyada inay dib u eegto go’aankeeda.

Mikati ayaa intaas ku daray in dowladdiisa ay “si qayaxan u diideyso” wax kasta oo dhaawacaya “xiriirka qotada dheer ee walaalnimo” ee kala dhaxeeya Sacuudi Carabiya.

Waxa uu sheegay in hadallada Kordahi aysan matalin ra’yiga dowladda, wuxuuna ku celiyey in wasiirka uu hadalkaas jeediyey inta aan xilkaas loo magacaabin bishii September.

Kordahi oo shir jaraa’id ku qabtay Beirut ayaa diiday inuu ka cudur daarto hadalkiisa, oo uu sheegay 5-tii August.

Waxa uu intaas ku daray in tan iyo markii uu noqday wasiir uu u hoggaansamayo siyaasadda dowladda ee aanu muujineyn aragtidiisa.