Britain oo Soomaaliya usoo direysa saraakiil + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa la filayaa inay Soomaaliya usoo dirto boqolaal ka mid ah ciidamadeeda oo uu hadda u socdo tababar ku saabsan la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Ciidamadaan oo bilooyin gudahood la filayo in lagu keeno Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalamo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Sida wargeyska Mirror ee kasoo baxa UK, ciidamadaan oo ah kuwa lugta ayaa lagu kordhin doonaa howlgalka tababarka si ay ciidamada dowladda Soomaaliya kaga caawiyaan burburinta saldhigyada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamaan ayaa la midoobi doono saraakiil ka tirsan ciidanka Militariga UK oo horey u joogay Soomaaliya, waxayna shaqadooda tahay sidii ay ciidamada dowladda u bari lahaayeen qaabka loola dagaalamo dagaalyahanada hubeysan.

Saraakiisha ciidamada Militariga UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah tababar u siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 60-aad ee ka howlgala inta u dhaxeysa magaaladda Baydhabo iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegay inay heshay xog ku saabsan in ciidamadaan sidoo kale loo diyaariyey sidii ay gacan uga geysan lahaayeen tababarida ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab oo saldhig ku leh xerada Balidoogle, sidoo kalana ay kala taliyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo daacish.

Hadalkaan ka soo yeeray saraakiisha UK ayaa imaanaya ka dib geeridii xildhibaan Tory David Amess oo 69 jir ahaa, kaas oo mindi ku dilay Cali Xarbi Cali oo u dhashay dalka Britain, laakiin asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya.

Illo wareedyo ka tirsan Militariga ingiriiska ayaa wargeyska Mirror u sheegay in ciidamada dheeriga ah loo dirayo Soomaaliya ay ingiriiska horay u qorshaynaysay balse uusan la xiriirin dilka xildhibaanka.