DF Soomaaliya oo war kasoo saartay arrinti lagula ka kacay Soomaalida dalka Zambia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si aad uga walaacsan xariga safmarka ah ee loo geystay Soomaalida ku nool dalka Zambia.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

“Waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday.”

Qoraalka ayaa dowladda ayaa yimid ayada oo maalmihii dhowaa tobanaan qof oo Soomaali ah sabab la’aan loogu xiray magaalada Ndola ee dalka Zambia, halkaasi oo ay ku beegsadeen ciidanka booliska.

Ndola oo ku taalla xuduudda Zambia ay la wadaagto dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, ayaa waxaa ku nool qoysas badan oo Soomaali ah, oo qaarkood ay ganacsato yihiin.