Soomaalida ku dhaqan Cape town iyo amar kasoo baxay S.Africa

Sida uu sheegay gudoomiyaha jaaliyada ee magaalada Cape town ee dalka koofur Africa dowlada dalkaasi ayaa joojisay socdaalkii ay dalkaasi ku tagi jireen dadka Soomaalida.

Gudoomiyaha jaalida Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape town Cabdiraxmaan Axmed Cumar,oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dowlada South Africa  joojisay qaabilaada qaxootiga Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Axmed,ayaa intaasi ku daray in sababta joojinta socdaalka ay tahay arin ku meel gaar ah oo aan lasii sharaxin,wuxuuna sheegay in dhamaan Soomaalida lagu wargeliyay.

Gudoomiyaha jaaliyada oo sii hadlayay ayaa sheegay in masuuliyiin dowlada ka tirsan oo ay la kulmeen inay ku wargeliyeen in dowlada koofur Africa ay kala hadli doonaan Soomaalida halkaasi ku dhaqan masuuliyiin dowlada rasmiga ee ka dhalatay dalka.

Dalka koofur Africa waa wadan si weyn loogu dhibaateeyo Soomaalida halkasi ku dhaqan,laakiin bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka yaraaday dilalkii loo geysan jiray Soomaalida.