26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Soomaalida Minnesota oo cabsi weyn ay soo wajahday kadib go’aankii Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Qorshaha Madaxweyne Donald Trump uu ku doonayo inuu ku soo afjaro Maqaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ah (Temporary Protected Status – TPS) ee Soomaalida ku nool Minnesota ayaa dhaliyay walaac iyo xitaa argagax baahsan oo soo wajahay dad badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, taasoo ah tan ugu weyn Mareykanka.

Tallaabadan ayaa boqolaal qaxooti ah ku celin karta Soomaaliya, iyadoo gelinaysa khatar dhaawac ama dhimasho, sida uu sheegay Abdiqani Jabane oo ah qareen ku sugan Minnesota oo ku takhasusay arrimaha socdaalka.

In kasta oo inta badan Soomaalida Minnesota ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah ama dad si sharci ah ku deggan dalka oo uusan si toos ah u saameynayn go’aanka TPS, haddana cabsida ka dhex jirta bulshada waa mid dhab ah. Soomaali badan ayaa ku jira “xaalad argagax ah,” qaarkoodna waxayba ka hadlayaan inay Minnesota uga guuraan gobol kale, sida uu sheegay Jabane.

“In qof dib loogu celiyo Soomaalyia maanta ma ahan wax ammaan ah sababtoo ah Al-Shabaab ayaa weli firfircoon, weerarada argagixisada ayaa sii socda, dowladda [Soomaaliya] ee maanta jirtana ma awoodo inay cidna ilaaliso,” ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u aqoonsan tahay koox argagixiso ah, waxayna gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah dalka.

TPS waa maqaam sharci ah oo ay bixiso Waaxda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security), kaasoo u oggolaanaya dadka ajnabiga ah inay ku noolaadaan Mareykanka haddii ku laabashada dalkooda ay gelinayso khatar. Maqaamka Soomaaliya ayaa jiray tan iyo sanadkii 1991-kii xilligaas oo ay jireen dagaal sokeeye iyo deganaansho la’aan, balse waxaa lagu wadaa inuu dhaco bisha March.

Waxaa jiray ilaa 430 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota oo haystay badbaadada TPS ilaa sanadkii 2023, sida ay sheegtay Xarunta Sharciga Soo-galootiga ee Minnesota (Immigrant Law Center of Minnesota). Heer qaran, waxaa jiray 705 Soomaali ah oo ku nool Mareykanka oo haysta TPS ilaa 31-kii March, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Adeegga Cilmi-baarista ee Koongareeska (Congressional Research Service).

Tan iyo 1993-kii, in ka badan 26,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa degay Minnesota, sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka ee Gobolka, iyadoo tirada dadka Soomaaliyeed ee gobolka ay kor u kacday iyadoo ay ku soo biireen jiilal cusub oo halkaas ku dhashay.

Laanta Minnesota ee Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (Council on American-Islamic Relations) ayaa sheegtay in soo afjaridda badbaadada masaafurinta ee soo-galootiga Soomaalida ah ee Minnesota ay “kala geyn doonto qoysaska,” waxayna ugu baaqday madaxweynaha inuu ka laabto go’aankiisa.

“Go’aankan, oo ay hurinayaan ololeyaal warar been abuur ah oo waxyeello leh kuwaasoo aan aaminsannahay inay leeyihiin ujeeddooyin siyaasadeed oo shisheeye, wuxuu kala geyn doonaa qoysaska wuxuuna dadka u diri doonaa dal aysan aqoonin in ka badan 20 sano,” ayuu yiri agaasimaha fulinta ee kooxda, Jaylani Hussein, oo soo saaray bayaan. “Tani ma ahan kaliya isbeddel maamul; waa weerar siyaasadeed oo lagu hayo bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta, kaasoo ay wadaan hadallo nacayb ah iyo Islaam-nacayb.”

Qoraalka uu Trump soo dhigay baraha bulshada Jimcihii ayaa yimid ka dib markii koox muxaafid ah ay soo saartay warbixin sheegaysa in lacago ay Minnesota uga sii gudbaan Al-Shabaab. Jabane ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Trump uu si gaar ah u beegsanayo Soomaalida Minnesota sababo la xiriira eedeymaha musuqmaasuq ee socda, kuwaasoo ganacsiyo Soomaaliyeed lagu eedeeyay inay malaayiin dollar ka xadeen Waaxda Adeegyada Aadanaha ee Gobolka.

Gobolka ayaa diiradda u saarnaa dhowr baaritaan oo heer federaal ah oo lagu beegsanayay musuq-maasuq ka dhacay barnaamijyo loogu talagalay in lagu bixiyo guryo degdeg ah, taakuleyn cunto iyo daryeelka autism-ka. Fadeexaddii $250-ka milyan ee Feeding our Future ayaa horseedday in dacwado lagu sooogo in ka badan 70 eedeysane, kuwaasoo badankood xiriir la lahaa barnaamijyo ay bulshada Soomaaliyeed hormuud ka yihiin.

“Wuxuu beegsanayaa [Soomaalida] sababtoo ah waa dambi ku qaadista wadareed. Wuxuu maqlay in Soomaali qaarkood ay sameeyeen musuq-maasuq, waana sababta uu u weerarayo,” ayuu yiri Jabane. “Waxaan filaynaa in go’aankan aan ka fiirsashada lahayn lagala hortagi doono caqabado dhanka sharciga ah.”

In kasta oo Trump uu Jimcihii sheegay inuu “si degdeg ah” u soo afjarayo Maqaamka Badbaadada Ku-meel-gaarka ah ee Soomaalida Minnesota, haddana waxaa jira hannaan rasmi ah oo la raaco, taasoo ka dhigaysa mid aan macquul ahayn in TPS la laalo ka hor bisha March.

“Madaxweynuhu ma laha awood uu si degdeg ah ugu joojiyo TPS,” ayuu yiri Jabane.

Sharciga federaalka ayaa dhigaya in xoghayaha Waaxda Amniga Gudaha ay waajib ku tahay inuu ogeysiis ku daabaco Diiwaanka Federaalka (Federal Register) haddii la laalayo TPS.

“Joojinta ma dhaqangeli karto wax ka yar 60 maalmood ka dib daabacaadda ama marka uu dhaco muddo-kordhintii ugu dambaysay, hadba kii dambeeya,” sida laga soo xigtay Adeegga Cilmi-baarista ee Koongareeska — taasoo ka dhigan in taariikhda uu haatan ku egyahay oo ah 17-ka March ay u badan tahay inay tahay xilliga ugu horreeya ee la laali karo maqaamka Soomaaliya.

“Ma jirto wado sharci ah oo uu tallaabadan ku qaadi karo,” ayuu Aaron Reichlin-Melnick, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan kooxda u doodda xuquuqda ee Golaha Socdaalka Mareykanka (American Immigration Council), ku soo qoray barta X. “DHS laga yaabaa inay isku daydo inay tan sameyso, balse si degdeg ah ayaa loo burin doonaa.”

Si kastaba ha ahaatee, Jabane ayaa sheegay inuu filayo in saraakiisha Amniga Gudaha ay isku dayi doonaan inay fuliyaan hanjabaadaha Trump. Wuxuu sheegay inaysan macno lahayn inaan wax xiriir ah laga dhex helin dadka haysta badbaadada masaafurinta iyo kuwa lagu tuhunsan yahay musuqmaasuqa.

Haddii Soomaalida Minnesota ay waayaan TPS, Jabane ayaa sheegay in dadku “ay ka cabsanayaan in wakiilada ICE ay bilaabaan inay qabqabtaan Soomaalida. Kuwani waa dad ku noolaa, kana shaqeysanayay bulshada dhexdeeda in ka badan 20 sano.”

- Advertisement -

Read more

Local News