Muqdisho (Caasimada Onine) – Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka dibaddiisa, kuwaas oo dhawaan uun si qasab ah loogu soo celiyay gudaha dalka.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen xubnaha guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana uu guddoomiyey Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo h guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa diirradda lagu saaray xaaladda dhalinyaradaas ee sida qasabka ah dib loogu soo celiyay.
Kukanka ayaa intiisa badan looga hadlay go’aankii guddiga joogtada ah ee ahaa in baaritaan dhab ah iyo dabagal lagu sameeyo arrinta la xiriirta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka dibadiisa ee sida qasabka ah gudaha dalka loogu soo celiyey.
Guddiga ayaa sidoo kale go’aamiyey in warqad arintaasi la xiriirta loo diro wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso, oo ay ugu hrreyso wasaaradda arrimaha dibadda, si wax looga waydiiyo.
Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in arrintaasi ay kala xiriiri doonaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso, si loo ogaado sababta ka dambeysa in qasab loo soo celiyo muwaadiniintaasi.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli ay dhawaan soo shaac baxday in dowladda federaalka ay mashaariic ku beddelanayso soo celinta muwaadiniinta sida qasabka looga soo tarxiilayo qaar kamid ah dalalka reer galbeedka oo ay ku nool Soomaali fara badan.
Mid kamid kiisaska ugu caansan waxaa daaha ka qaaday warbaahinta Sweden oo baahisay inay dawladda dalkaas malaayiin doollar ku siinayso xukuumadda Soomaaliya dib u celinta qasabka ah ee muwaadiniinta Soomaalida ah, walow ay labada dalba diideen eedeyntaas.
Horay warsaxaafadeed uga soo bxay xafiiska Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxa si buuxda loogu beeniyay in waxba kama jiraan uu yahay heshiiska qarsoodiga ah ee la sheegay inay wada galeen labada dowladood Somalia & Sweden, kaas oo muhiimadiisu tahay gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Beeninta ayaa timid kadib markii barnaamijka Ekot ee Idaacadda Sweden uu kashifay in Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay Soomaaliya bishii Diseembar 2023. Sida uu sheegay baaritaanku, Sweden waxay ballan qaadday inay 100 milyan oo karoon (qiyaastii $9 milyan) oo ka mid ah miisaaniyadeeda gargaarka u wareejiso sanduuq maaliyadeed oo ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Talyaaniga, taasoo beddelkeeda Muqdisho ay ku oggolaanayso inay qaabisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyo Sweden, oo ay ku jiraan dembiilayaal la xukumay oo diiday inay si iskood ah uga baxaan dalkaas.



