Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha ee ka-hortagga iyo la-dagaallanka fikradda xagjirka ah ee rabshadaha wata (P/CVE), sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ergeyga cusub u xilsaaray in uu hoggaamiyo dadaallada xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada, ka-hortagga afkaaraha xagjirka ah ee rabshadaha wata, horumarinta iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga, iyo dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee ka-hortagga iyo la-dagaallanka xagjirka.
Xildhibaan Aweys ayaa lagu sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waayo-aragnimo ballaaran oo uu ka kasbaday shaqooyin uu ka soo qabtay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha iyo barnaamijyada ka-hortagga xagjirka, taas oo Madaxtooyadu sheegtay in ay ka caawin doonto gudashada waajibaadka cusub ee loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa ergeyga cusub kula dardaarmay in uu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isaga oo ka shaqeyn doona hirgelinta istaraatiijiyad mideysan oo looga hortagayo fikradaha rabshadaha wata ee khatar gelinaya nabadda iyo xasilloonida dalka.
Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, kaas oo madaxweynuhu horay ugu dhawaaqay inuu noqon doono mid isugu jira ciidan, dhaqaale iyo mid fikir (ideological war).
Dhinaca kale, isbeddelkan ayaa imaanaya maalmo uun kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu 20-kii bishan November u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin xilka La-taliyaha Sare ee Siyaasadda iyo Isku-duwaha Barnaamijyada Xafiiska Madaxweynaha.
Dr Yahya Ibraahim, oo horey uga tirsanaa bareyaasha jaamacadaha dalka Ingiriiska, ayaa leh aqoon iyo khibrad uu ka soo kasbaday arrimaha siyaasadda, dowlad-dhiska, cilmi-baarista, xiriirka caalamiga ah, horumarinta dhaqaalaha iyo diyaargarowga jiilka cusub ee hoggaamiyeyaasha, isaga oo shahaadooyinka Master iyo PhD ka qaatay jaamacadaha Northampton iyo Birmingham ee UK.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ka filayo Dr Yaxya in uu door muuqda ka qaato daadejinta siyaasadaha iyo horumarinta istaraatiijiyadda qaranka, isagoo hubinaya in go’aannada waaweyn ee xafiiska Madaxweynaha ay ku saleysnaadaan caddayn, cilmi-baaris iyo la falgelid duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya, si loo xoojiyo isku-duwidda, nidaamka iyo midnimada ujeeddooyinka hoggaanka sare ee dalka.
Labadan magacaabis ayaa loo arkaa tallaabooyin uu Madaxweynuhu ku doonayo inuu ku dardargeliyo qorshayaasha siyaasadeed iyo kuwa amni ee horyaalla dowladdiisa, xilli uu dalku wajahayo xaalado amni iyo dadaallo dib-u-heshiisiineed.

