Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xukunka adag ee kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maalmahan ku guda jirtay dhageysiga dacwad la xiriirta dhacdooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay aagga Wanlaweyn.
Jeesow ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay maxkamadda gaartay, wuxuuna sheegay in xal uu u noqon doono dhibaatada ka taagan qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ka taagan yihiin colaad beeleedyo sababay in dad badan lagu laayo gobolkaasi.
“Aniga waxaan aaminsanahay dadkaas la xakumay in maxkamadda faraj khayr qaba ayay u noqon doontaa, iyadaana haboon in lala shaqeeyo” ayuu yiiri Daahir Amiin Jeesow.
Sidoo kale, wuxuu qiray in xukunka uu cadaalad ku saleysan yahay, maadaama la xukumay raggii ka dambeeyay ninkii lagu gubay Wanlaweyn, sidoo kalena la xukumay shaqsiyaad kale oo ka dambeeyay dad lagu laayay Yaaqbariweyne iyo tuulooyin la gubay intaba.
“Xukunka hab cadaalad ah ayuu u dhacay barkey ninkii ninka gubay ayaa la xukumay dad lagu eedeeyay oo maqanayaal ah oo tuulooyin gubay ayaa la xukumay” ayuu sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo kiisaskan siisay waqtiyo ku filan, kuna dhageystay xeer ilaalinta iyo sidoo kale qareennada u doodayay eedeysanayaasha ay shalay soo saartay xukunno isugu jiray dil toogasho ah, xabsi ciidan iyo sii deysmo, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Cabdullaahi Abuukar Xasan Shadoor oo ka tisan Garsoorka Maxkamadda Ciidamada.
Xasan Buulle Isaaq, Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Abshir Cabdow Xasan Made, Maxamed Sayid Cumar Awbiime, Cumarey Iskoy Maame, Abuukar Daa’uud Cismaan, Liibaan Abuukar Cumar (Shiine), Yuusuf Abuukey Maamo iyo Jamaal Maxamed Qaadi ayaa lagu xukumay dil toogasho ah. Dhammaan raggan ayaa lagu helay dil wadareed ka dhacay Warta Cismaan oo qiyaastii 8M u jirta degmada Wanlaweyn, laguna dilay 12 qof iyo falkii lagu gubay Isaaq Daa’uud Maxamed ee ka dhacay aagga degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale, Cali Isxaaq Guuleed (Cali Yariis), Fu’aad Axmed Maxamed (Duqow), Deeqow Cismaan Nuunow, Ciise Cabdi Maxamed (Calaan), Xuseen Maxamed Qaasim iyo Cabdi Maxamed Cismaan (Cabdi Tuure) oo maqanayaal ah ayaa iyaguna lagu xukumay toogasho. Dhammaantood waxaa iaygana raggan loo haystaa weerar lagu dilay illaa 5 qof, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku qaadeen Ceelka Yaaqbariweyne, muwaadin si fool xun loogu dilay isla Yaaqbariweyne iyo falal kale oo ay kamid tahay jidgooyo lagu dhibaateeyo masaafurka.
Cabdifitaax Sokorey Gaduudow, Daahir Mukhtaar Shibow, Saaax Xuseen Cali, Cabdixamiid Cabdullahi Siidow, Maxamed Daahir Cismaan iyo Muslimo Cabdi Kuusow oo iyaguna kaalin ka qaatay dhacdadii foosha xumeyd ee muwaadinka lagu gubay ayaa sidoo kale lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.
Dhinaca kale, Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deysay Axmed Saalax Abuukar, Qaasim Cabdi Xasan Amiin, Abuukar Yuusuf Cali Axmed iyo Cismaan Cabdulle Caliyow, kadib markii lagu waayay eeddii xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

