Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin daba socota hadal xasaasi ah oo uu shalay degmada Dayniile ka jeediyay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo dadkiisa ugu baaqay inay hubkooda lasoo baxaay.
Jacfar oo ka hadlay kulan ka dhacay Dayniile ayaa shacabka ka dalbaday inay hubkooda gacanta ku haystaan, ayna iska diifaacaan cid kasta oo duulaan ku ah dhulkooda.
“Qalabka guryaha idin yaallo isu imaadka dambe aan isu imaaneyno waa in si fiican qalabkiina aad gacanta ugu haysatiin” ayuu yiri shalay Xildhibaan Jacfar.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo isna ka digay in hub lagu dhex qaato magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid sameyn karta arrintaasi
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanka uu iska hadli karo, balse aysan jiri doonin cid laga yeelayo in hub ay ku dhex wadato gudaha magaalada Muqdisho.
“Xildhibaanka ama qof banaanka iska joogo inuu yiraahdo hub ayaan lasoo baxaynaa iyo qabiilkeenna ayaan keeneynaa waa dhihi karaan, laakiin magaalada Muqdisho hub lala ma imaan karo, qofna lama soo geli karo”. ayuu yiri wasiiru dowlaha gaashaandhigga.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Sidiisa hubka laba ayaa loo ogol yahay dowladda oo ku badbaadineysa dadkeeda iyo Shabaabka oo raba inay ku laayaan dadka Soomaaliyeed, qofka saddexaad ee usoo babac dhigto gacanta waxay is arkeysaa ciidanka Xoogga dalka”.
Wasiir Cumar Cali Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in haatan Muqdisho ay tahay nabad, isla markaana cid kasta oo ku xadgudubta laga qaadi doono tallaabo adag.
“Wadankan amni ayaa ka jiro, mana la arki karno ciidan aan ahayn kan hay;adaha amniga ee dowladda, qoftii la timaadana tallaab ayaa laga qaadayaa” ayuu mar kale yiri Cumar.

