Soomaalida Muxibaa ka buuxda!

Indheer Garadkoow ha noqon oraah ku dhiigle!

Maxaa dhibaato nasoo martay, maxaa waa xun noo baryay, maxaan dhiig ku fool dhaqanay, maxaan luminay danta guud, maxaan gumeeysi u adeegnay, maxaan danteenii qilaafnay, maxaan duruuf iyo gaajo badnay dadkeenii iyo dalkeenii, maxaan dar xumo qaxooti la jaar noqonay, maxaa South afrika nalagu gowracay, maxaa gunimo u wehel noqonay, maxaa wali garaad la, aan nahay.

Baribaa waxaa jiray gabadh, gabadhaas waxaa u fiirsaday nin kamid ah dadka deegaanka ay ku nooleed. Wuxuu arkay ayadoo la qaadaayo hees inantii oo ooyeeysa oo qiireeysan, maalintii danbuu hadana kula kulmay goob wacdi diini ah hadana wuxuu arkay iyadoo naxriis darteed la, ilmeeyneeysa, goob kaluu kula kulmay saar lagu tumaayo wuxuu indhaha saaray ayadoo dareenkeedu lagday, maalintii xigtay ayuu arkay hadana ayadoo aayada quraan la aqrinaayo ilmana dhabankeedu qooysay, waqti kadib ayuu hadana kula kulmay goob wadaado ku digrinaayaan ayaduna jalbootay, inta uu yaabay hadana amakaagay ayuu yiri inantan maxaa muxibo ka buuxda!.

Hadaba hadaan u gunda dago ujeedadeeyda, soomaaliya waxaa soo maray dhibaatooyin aan la soo koobi karin, waxaan mudo badan kusoo jirnay dagaalo sokeeye oo na baday in aan gun noqono caalamkuna na yaso, dad badan ayaa ku naf waayay dagaalada, xabadi ha disho, qaar gaajo ha u dhintaan, qaar wadan shisheeye ha lagu goowraco sida South afrika, kuwo badan oo ku dhamaaday badaha, IWM.

Mar walba rajaa isoo gasha waxaan arkaa dadkeeygii oo wada burhaansan calanka buluugga ah wada wata qiiro wadaniyadeedna ka muuqato, waan farxaa waxaan is iraah waa laga baxay dhibkii caqli bay heleen dadkaagii oo waqtigaa waaniyay.

Maalinta kalaan hadana arkaa beelo si gaar gaar u shireeya oo calano kala gooni gooni wata ayadoo qolaba gooni u qiireeysantahay, waan naxaa waxaan iraah soow tan dib loo noqday waaba casri jaahilkii aduunku ka gudbee soomaalidana hada ay taagan tahay.

Uma baahnid hadaad rabto ruux soomaali ah in aad ogaato beeshiisa, hadaad xiiso u qabto, waxaad weeydiisaa xaalada soomaaliya meesha ay mareeyso, haduu kaaga jawaabo waxaad garan kartaa meesha uu ka soo jeedo, qarankii wacnaa ee aan karaamada ku lahayn waxaa nooga qiimo badan, qabiilkii sharafteena iyo karaamadeena lumiyay, na baday dhibaatooyinka aan ka kabsan la, nahay, waxaan halku dhig ka dhiganay (faqi tolkii kama jano tago), oo macnaheedu yahay dulmi iyo wanaagba tolkaaga taageer, adigoo iloobaaya, allahii ku abuurtay ee ku faray in aad xaqa taageerto, Waxaan Iloowsanahay maalinta qiyaamo, waxaan wali dabada ka afuufaynaa balaayo iyo kala taga umada soomaaliyeed ee ku walaaloobay, dhalasho dhaqan iyo diinba.

Dhibaatada ugu culus yaa wada?

Hadaan arintaas aragtidayda ka abaaro, dhibaatada waxaa gurbaanka ugu weeyn u garaacaya qurbo joogta, ayagoo beelahooda ku boorinaaya in ay iloobaan qaranka qaataana qabiilka, waxaad ka dareemaysaa markaad dareenkooda daalacato, dadnimo xumo, karaamo xumo, aragti gaabnaan, iloowshi wixii shalay dhacay, rabitaan waxaan la heli karin iyo wixii kasii xun, Shacabka ku dhaqan dalka gudihiisa ayaa in badan ka wanaagsan, qurbo jooga soomaaliyeed ee caadeeystay in ay noqdaan calooshood la ciyaar aan waligood ciil ka bixin.

Looma baahna in aan maalina u istaagno wadanka iyo wadaniyada maalina qabka iyo qabiilka, taas waxeey na dareensiinaysaa in soomaalidu muxibo ka buuxdo, oo aynaan lahayn meel naloogu soo hagaago, waxaan galnay waqti mugdi ah anagaana sahansanay, hadeeynaan wax ka badalin qaabka aan hada ku socono oo eeynaan isu tanaasulin, waxaan noqon doonaa kuwo ubadkooda bada ciil asaagoodna u gumeeya.

Maxaa ka socda kismaayo?

Waxaa ka socda muran xargaha goostay, oo aan cilmi iyo caqiido midna ku dhisneeyn isla markaana kala qaybiyay umada soomaaliyeed, Beel walbaa waa isku aragti, waa isma qabato, dadka deegaanka kaliya uma madax banaana in ay aayahooda eegaan waxeey qola walbaa casuuntay yaa reer hebel ah, waxaad arkeeysaa ruux aan waligii kismaayo ka daawan filim oo xiiqsan isna leh armaad ka heshaa sad bursiinyo, waa nasiib daro heeysata umada soomaaliyeed, wufuud ay dawlada soomaaliyeed u dirtay magaalada ayaa waxaa soo ceeyrsaday, gumeeysiga madoow kenya oo loo baahnaa in aan ka qaadano (NFD), waxaad ila miisaantaa wasiirkii dalxiiska keenya hadalkuu ku hadlay asagoo isla markaa isla meel dhigay fasaxa uu ka dalbanaayo ingariiska marka uu rabo in uu booqdo iyo dawlada soomaaliya marka ay damacdo in ay booqato kismaayo, waa hadal edeb daro ah oo mudan in aan abaarno ciidanka keenya isla markaana aan la galno dagaal aan u mideeysanahay ilaa inta aan ka xureeynayno dhulkeena, maanta hadeey ku caana maalaan arinka ay sameeyeen bari waxaad arki doontaa Axmed madoobe oo inta ay qabteen xabsina ay galiyeen, hadana qaarkeen ayaa taageersan oo is leh dantiinaa ku jirta (Eey habeen soo jeeday dantiisuu u dhafray kan lehna wuxuu moodaa in uu isaga ilaalinaayo).

Waxaan aaminsanahay in mareeykan, yurub, ugandha, itoobiya, Keenya, burundi, midoowga afrika iyo Qaramada midoobay midna aanuu wadin, danta umada soomaaliyeed. Isla markaana ay sii hurinaayaan, dagaalada sokeeye ee aafeeyay soomaaliya, hadeey wanaag doon yihiin waxaan arki lahayn ayagoo daminaaya dhib waloo soo cusboonaada, waa naloo aamusay, waxeey baadi goob ugu jiraan in xaaladu sii cuslaato, bulshada soomaaliyeedna ay sii qeeybsamaan.

Waxaan kula talinaayaa dawlada soomaaliyeed in ay aad usoo dhoweeyso dhamaan qaybaha kala duwan ee soomaaliyeed isla markaana dib u eegto waxa kalifay in qaarkeen ay la saftaan dawlada keenya oo eeynaan marna ka maleeysan karin in ay dan umad soomaaliyeed wado.

Dhamaan bulshada soomaaliyeed waxaan kula talinayaa in ay aaminaan mabda, a ah (anigaa soomaaliya xukumaaya ama soomaali baa i xukumaaya). Soomaali meel fog makala tageeyso, cadawgeena aaminsan qaybi oo xukun wuxuu na geeyn karaa meel aynaan kasoo noqon karin, dawladaha shisheeye waxaa noo dhaama dawladeena ha xumaato ama ha fiiicnaato, garab istaag dawladaada oo u hiili xaqaagana ka doono, waxaadna iloowdaa sad bursiinyo iyo kali noolaansho aan lagu xisaabtameeyn umada kalaa jira. Muxibada halagu koobo wadanka iyo wadaniyada, calanka bulluuga ah IWM.

Waxaan ka codasanaayaa dhamaan umada soomaaliyeed in ay iga cafiyaan wixii qalad ah ee iga dhacay, waxaadna ogaataan in aan ahay wanaag doon iyo soomaali oo mideeysan in aan mar uun indhaha saaro.

W/Q: Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur nasri2014@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan