Soomaalida oo u quus gooyay Itoobiya kadib damacii badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii Addis Ababa.

Waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo lagu xoojinayo mowqifka ay Soomaaliya ka taagan tahay heshiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed, laguna difaacayo madax-bannaanida dalkeenna, kaasi oo loogu quus goynayo damaca guracan ee Itoobiya ee helitaanka bad.

Kulankaan oo ay soo agaasimeen machadka Heritage ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamax, xubno ka tirsan xukuumadda, Xildhibaannada labada aqal, aqoon-yahanno iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii looga arrinsan lahaa damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed, taasi oo meel adag iska taageen Soomaalida.

Mudane Saalax ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliyeed qaadday tallaabooyin badan oo looga hortagayo heshiis ku sheegga lagu boobayo dhulka Soomaaliyeed, “Heshiis ku sheeggani waa xad-gudub cad.”

“Wuxuu xad-gudub iyo gardarro ku yahay gobannimada, qarannimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed iyo ummadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna meel ka dhac cad ka yahay dastuurka Soomaaliya, mabaadii’da caalamiga ah iyo kuwa u yaal ururada QM iyo Midowga Afrika, waxaana ay waxyeello ku yihiin deris-wanaagga iyo nabadda gobolka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Heshiiska Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Madaxda sare ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa intooda badan si isku mid ah uga fal-celiyay arrintaan, ayaga oo meel adag iska taagay in Itoobiya ay dhul badeed ka hesho Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka Itoobiya iyo Somaliland.