Caro xooggan oo ka dhalatay dil ay ciidanka Itoobiya ka geysteen xuduuda Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Caro xooggan ayaa ka dhalatay dil ay ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u geysteen Askari Boolis ah iyo qof shacab ah.

Dilka oo ka dhacay deegaanka xadka ku yaalla ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay, ayaa si weyn looga fal-celiyay baraha bulshada, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay taagan tahay xiisad xooggan oo ka dhalatay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay fal-celinta kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka bixiyeen arrintaan. Hoos ka aqriso;

Maxamuud Cabdiqaadir Warsame: “Fadhiga waa in laga kaco oo wax la iska celiyo.”

Cabdullaahi Maxamuud Axmed ayaa isna yiri “Waxay bilow u tahay gardarada cad iyo cadaawada guunka ee Ethiopia inoo hayso Alle ha u naxariisto labada marxuum.”

Muna Xasan Daacad: “Ninka aan waxa jooga garan waxa soo socdana ma garto.”

“Waa tusaale Illaahay umada wax ku tusayo Allah ha unaxariisto dhalinyarada,” ayuu yiri Idiris Daahir oo kamid ah bulshada ka fal-celiyay arrinkaan.

Nuur Xaaji Cabdullaahi ayaa sidoo kale waxa uu isna yiri “Allaha u naxariisto durba waad ujeeda gumaysiga Ethiopia inay caawa wiilasheeni dileen reer Somaliland kaca oo dad iska dhiga diida qandaraas Muuse Biixi iyo Saleeban Gaal.”

“Ma durbaba kuwii ku faraxsanaa aawoy (heshiiska Itoobiya),” ayey tiri Aasiya Maxamed Diiriye.

Fu’aad Deeq Sanaawi: “Alle ha janneeyo. Kuwii u (sacab tumaya) Itoobiyaanku ha ka hadlaan dhacdadan foosha xun.”

“Waaa xabad noo bilaaba oo caadiya waxoodu,” ayuu yiri Faysal Uurcad oo isna ka fal-celiyay toogashada ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee xuduuda Somaliland.