Sawirro: Taliye Muxudiin Axmed Cusmaan oo booqday safaaradda Somalia ee Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya soo booqday taliyaha hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da, gaashaanle dhexe Muxudiin Axmed Cusmaan.

Taliye Muxidiin,waxa uu kulan miro dhal ah la qaatay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo diblomaasiyiinta safaaradda oo ay ugu horreeyaan qunsulka safaaradda, xoghayaha labaad ee safaaradda iyo agaasimaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Kenya.

Taliyaha hogaanka baarista dambiyada ee CID-da iyo safiirka safaaradda shir ay xafiiska safiirka ku qaateen kadib, waxa ay isla garteen in xarunta safaaradda ee magaalada Nairobi laga furo xafiiska laga qaato warqadaha dambi la’aanta uu hoggaanka baarista dambiyada bixiyo, si loola dagaalamo dadka dokumiintiga been-abuurka u sameeyo muwaadiininta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Waraaqda dembi la’aanta islamarkaana loola socdo dadka dambiilayaasha iyo in adeegyada kala duwan ee hoggaanka CID-da bixiyo loogu soo dhaweeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.

Ugu dambeyn taliye Muxudiin Axmed Cusmaan waxa uu soo kormeeray xafiisyada ay safaaradda ku shaqeyso, gaar ahaan waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha, halkaas oo muwaadiniin Soomaaliyeed adeeg u soo doonteen, si uu arko howlaha baaxada leh ay qabato safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.