SHIINAHA oo luuqad adag kula hadlay Somaliland kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa taageero weyn u muujisay mowqifka dowladda federalka ee heshiis beenaadkii badda, ayada oo si adag uga hortimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxay taageertay dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo luuqad adag kula hadashay Somaliland, sheegtayna in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

“Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax-banaanida iyo midnimada dhuleed,” ayey tiri Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay.

Sidoo kale waxay sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Shiinuhu waxa uu dowladda federaalka ee Soomaaliya ka taageerayaa ilaalinta midnimada qaranka, madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed.”

Shiinaha ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.

“Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wada-hadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.”

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii ay is-afgarad kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen inuu u horseedayo inay Itoobiya aqoonsato iyadoo taas beddelkeedana Somaliland ay dhul 20km oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka. Somaliland waxay ku sheegtay bayaan ay toddobaadkan soo saartay in dowladda Soomaaliya ay turjumaad qalad ah ka bixinayso is-afgaradkaasi, Somaliland-na aysan ka mid ahayn Soomaaliya, sida qoraalkaas lagu sheegay.

Itoobiya ayaa sidoo kale waxay dhinaceeda sheegtay in is-afgaradka ay la gashay Somaliland uusan cidna dhibaato ku ahayn.