Soomaalida oo waxa socda ka walaacsan iyo dowlada oo aan laga hayn JAWAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddooyinkan dambe waxaa aad u xoogeystay hadal haynta dhaq dhaqaaqa Geeska Africa ka socda ee ay isugu soo dhawaanayaan dalalka mandiqadda, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya iyo Eitrea.

Hase ahaatee, taas waxa ay walaac ku beertay Soomaalida oo ilaa iyo hadda u muuqda kuwo jiha lunsan, oo aan si dhab ah u fahamsaneyn wax socda.

Hadal haynta ugu weyn ee bulshada waxaa noqotay sida madaxda Soomaaliya ee ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo xukumadda aysan bulshada ula wadaageyn waxa socda iyo natiijada ay rabaan in ay u soo baxdo.

Dhinaca kale, waxa ay bulshada is weydiineysaa halka uu ka baxay baarlamaankii iyaga matalayey ee ay madaxda uga keeni lahaa jawaabaha su’aalaha ay qabaan.

Waxaa intaas dheer, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa dhaqan iyo caado u noqotay in uu dadkiisa la wadaago kulan walba oo dhaca iyo tallaabo kasta oo uu qaado waxa uu daarnaa iyo faa’iidooyinka ugu jira.

Inkasta oo waxa socda ay noqon karaan wax u wanaagsan dhammaan dalalka Geeska, oo madax dalkuna aysan wax aan wanaagsaneyn u horseedeyn dalkooda, haddana in sharaxaad dheeri ah la bixiyo waa lama huraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com