Soomaalida Ukraine oo ku jirta xaalad quus ah – “Waxa aan ka bixi weynay Kyiv”

Kyiv (Caasimada Online) – Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xayiran dalka uu dagaalku ka socdo ee Ukraine oo maalinkii afaraad si xariir ah u wajahaya duulaanka uu Ruushku ku soo qaaday.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaas ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay xaaladu ka sii dareyso, isla markaana uu maanta dagaalku aad u xoogeystay.

Cabdiqaani Mayow Maxamed waxuu ka mid yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee hadda ku sugan caasimadda Ukraine ee Kyiv, wareysi uu siiyey Idaacadda VOA waxa uu ku sheegay in hadda ay xaaladu ku adagtahay.

Wiilkaan oo tahriib ku galay dalka Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan laba jeer uu ku guul-dareystay inuu ka baxo dalkaas, sidoo kalena in ka badan laba sano uu ku xiraa xabsiyada dalka Ukraine, kadib markii laga soo qabtay xuduuda.

Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay in ayagoo Soomaali badan ah ay hadda ku xayiran yihiin caasimadda Kyiv oo bandow lagu soo rogay, isla markaana ay qorsheynayaan in wixii berri ka dambeeya ay isaga baxaan dalkaas, markii bandowga laga qaado caasimadda oo dagaalka ugu xoogan uu ka socdo hadda.

Sida ay maanta sheegtay wasiirka arrimaha dibedda Britain Liz Truss, dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sii xoogeysanaya, waxayna saadaalisay in dagaalkaan uu sii soca karo ‘sanado badan.’

Cabdiqaani Mayow waxa uu sheegay inay waayeen wiil Soomaaliyeed oo xanuunsanaa, kaas oo ka mid ahaa dadkii laga sii daayey xabsiyada Ukraine, si naftooda ay u badbaadsadaan.

“Amnigeena halis ayuu ku jiraa, dagaalku waa sii xoogeysanayaa, magaalada lagama bixi karo, oo waxaa saran bandow, ciidanka ayaa irdaha noo taagan, dukaamadii magaalada waa la xiray, waxaan ku nool nahay cuntooyinka fudud oo aan soo adeeganay intii aan la xirin goobaha ganacsiga,” ayuu yiri Cabdiqaani Mayow oo ku sugan caasimadda Ukraine.

Hoos ka dhageyso wareysiga Cabdiqani