25 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Soomaaliland oo sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka gelin heshiiska dekadda Berbera.

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimadda Online) –  Xilli dhawaan dalka imaaraatka Carabta  ay heshiis sadex geesood ah ku kala saxiixdeen Soomaliland , Ethopia iyo shirkadda DPWorld islamarkaana dowladda federalka Soomaaliya ku tilmaamtay sharci darro ayaa aay Soomaaliland ka hadashay warka ka soo yeeray dowladda dhexe.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa si kulul uga hadlay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa dekedda Berbera.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka khuseyn dowladda Soomaaliya heshiiska Dekedda Berbera.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in uu Sharci daro yahay heshiiska Berbera, isaga oo intaas ku daray in dalalka deriska ah iyo Caalamkaba ay ogyihiin in Somaliland ay ka go’day Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News