Falanqeyn: Berbera Dowladda Federaalka ayaa Dayacday.

Xukuumadda Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa leh masuuliyada ugu weyn ee hantida iyo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed leeyihiin sida ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Somaliland waxay heshiis la gashey shirkada  Dp World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta Bishii August 2016, Maamulkii markaasi xukumay hogaanka Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid ayaa lagu eedeeyay inay heshiiskaasi qeyb ka ahaayeen, balse waxay sheegeen inay dacwado gudbin doonaan oo aanay shirkadaasi ka shaqeyn Karin Dhul Soomaali leedahay maaddaama aanay soo marin dowlada dhexe ee Federaalka iyo Baarlamaanka Shacabka.

Go’aan rasmiya masuuliyiintaasi wakhtigaa kama qaadan, shacabka Soomaaliyeed-na waxay ka war sugayeen doorka ay ku joojinayso dowlada Soomaaliya hantida shacabka ee maamul ka mida federaalku shirkad dal shisheeye leeyahay lagu wareejiyay dekada Labaad ee ugu weyn Soomaaliya.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Xasan Cali Khayre Raysal wasaaraha Hadda talada dalka gacanta ku haya oo xilka la wareegay Bishii February ee sanadkii hore go’aan shacabka Soomaaliyeed mahadiyaan kama qaadan arrinta shirkada maaddaama laga hoos baxay oo shirkado lagu wareejiyay hantidii ay ugu dhaarteen bulshada Soomaaliyeed.

Inkasta oo ay Somaliland sheegto inay ka madax banaantahay Soomaaliya Haddana waxaa marag madoon ah inay ka mid tahay Soomaaliya oo ay caalamku u aqoonsanyihiin maamul ka mida Soomaaliya. Madaxda dalka oo aan ka go’aan ka qaadan wareejinta hantida shacabka islamarkaana aan iyagoo waxba ka ogeyn cid kale lagu wareejiyay waxay fududeysay in Maamulka Puntland isna uu bixiyo dekadii saddexaad ee dalku lahaa kuwaasi oo iyaguna ku wareejiyay shirkada Dp World. Xukuumada Hadda jirtaa arrintaasi iyadna waxba kama qaban oo waxaa iska maamushay Madaxda maamulka Puntland oo hoggaaminayay Cabdiweli Cali Gaas Maxamed Puntland.

Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ay hantida shacabka ee la wareejinayo shirkadaha dalalka shisheeya ka socdana gacanta loo galinayo waxay kasoo saaraan warsaxaafadeed ay shacabka ku qaboojiyaan balse Ficil kuma daraan marka ay arrintaasi taagantahay.

Dowlada dhexe ee Soomaaliya waa mida ay caalamku aqoonsanyihiin waxay sameyn karaysay dacwado ay maxkamado shisheeye ka furato si ay ugu doodo in dhulkeedii lagu soo duuley oo aanay raali uga ahayn, Haddii ay sidaasi sameyso waxaa dhici laheyd inay gorgortan sameyso oo maalgashi kasta oo dalka ka dhacaya iyada lasoo marayo, manay dhacdeen in maamul dowlado shisheeye heshiis la galaan iyadoon ogeyn amma war ka hayn dowlada dhexe ee federaalku.

Nasiib daro go’aanada ay kaga horjoogsanayso hantida shacabka ee la bixiyay talaabo lagama qaadin, Shacabka Soomaaliyeedna waxaa lagu wargaliyay in laga xunyahay.

Maalgashiga ay sameynayaan shirkadaha shisheeye waxaa kale oo ay keentay inay furto in dalka Saldhigyo Millateri laga bixiyo gudaha dalka iyadoon dowlada dhexe ka warqabin.

Berbera ayaa Imaaraatka laga siiyay Saldhig milleter isla sanadkii 2017, baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumaddu midna go’aan ma qaadan, waxaa si fudud loo bixiyay hantidii shacabka ee ay u dhaarteen ilaalinteeda Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxwaynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo Xasan Cali Khayre raysal wasaaraha Xukuumaddu.

Marka laga hadlayo hantida shacabka sida fudud uga baxday ee ay dalalka shisheeye maamulayaan, waxaa keenay hogaanka jilicsan ee shacabka. Haddii awoodaha ay leeyihiin baarlamaanka, madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha Soomaaliya siddii dastuurka waafaqsaneyd looga jawaabo hantida shacabku si fudud kuma baxdeen.

Itoobiya iyo Imaaraat-ku waxay qol heshiis kula galeen Somaliland iyadoo magaalada Dubai uu joogo raysal wasaaruhu, ma uu sheegin inuu kala hadlay arrintaasi intii uu dalka Jooga, Marka ay sidaasi dhacayso ma Maamulka Somaliland ayaa ka weyn raysal wasaarihii dowlada Federaalka Soomaaliya? Jawaabtu waa maya laakiin hantida shacabka Soomaaliyeed ayaa dalalku ka faa’ideysanayaan siddii loo xadi lahaa iyadoo laga faa’ideysanayo awoodaha maamulka Goboleedyada dalka.

Xukuumadda madaxwayne Farmaajo iyo Baarlamaanka Shacabka Soomaaliyeed ayaa leh masuuliyada ugu weyn ee ah in la dayacay hantidii shacabka.

Maxay Qabatay Shirkada Dp World Oo sanadka xukumaysay Dekada Berbera?

1: Dekada waxba laguma soo kordhin

2:Ganacsatada waxaa lagu kordhiyay cashuurta baddeecadaha muddada ay dekada dhex yaalaan.

3: Shacabka ku nool dekada waxaa la saaray culeys dhinaca shaqada ah si loo helo dhaqaale badan.

4: Waddada Berbera Coridor ee la balanqaaday wali lama dhisin

5:Dekada 400Mitir oo lagu kordhinayay wali lama fulin.

6: Qalab ay shirkadu balanqaaday wali lama keenin dekada.

Dowlada Maxaa la gudboon?

1: In dowladaha Shisheeye ee maamul goboleedyada heshiiska la galaya ay kala hadasho, qorshaha leexsan ee ay ka waddaan dalka.

2: Dhamaan inay la joojiyo heshiisyada ay maamuladu la galeen dalalka shisheeye ee ay ku wareejiyeen hantidii shacabka Soomaaliyeed, amma ay dib u eegis ku sameyso dowlada dhexe  oo ay iyadu saxeexdo heshiisyadaasi hore loo galay.

3: In faro galinta dowlada Itoobiya iyo Imaaraatka ee hantida shacabka meel adag la iska taago iyadoo loo marayo qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Urur goboleedka IGAG.

4: Inaanay dalka Soo galin shirkad amma dalka shisheeye oo aan dowlada dhexe amar ka haysan, maaddaam ay adduunku aqoonsanyahay dowlada Federaalka.

5: In dastuurka Awoodaha uu siiyay dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada la kala saaro oo aanay shaqada dowlada dhexe ku shaqeysan madaxwaynayaasha maamul goboleedyadu.

 

Maxaa ka dhalan kara heshiisyada Maamul goboleedyadu ay galaan?

1: In khayraadka dalka laga faa’ideyso iyadoo aanay raali ka ahayn bulshada Soomaaliyeed.

2: Inaanay dowlada Dhexe ee Federaalku ka hadli Karin haddii dhibaato ka timaado shirkadaha iyo dalalka maal gashiga ka sameynaya gudaha dalka, maaddaama aanay heshiisyada iyadu galin.

3: In shacabka Soomaaliyeed aanay ku qanci hab maamulka iyo awoodaha dowlada Federaalka Soomaaliya.

4: In Maamul goboleedyadu awood yeeshaan oo aan waxba lagala tashan dowlada Federaalka.

5: Dowlada Shisheeye iyo Maamul goboleedyada oo is gooniya u wada shaqeeya.

6: Taageero maamul goboleedyadu ka helaan dalalka shisheeye oo lagu wiiqo awoodaha dowlada dhexe.

7: Itoobiya oo ka faa’ideysata hantida shacabka Soomaaliyeed iyadoo la saaxiib ah maamulada, dowlada federaalka ahna ka horkeenaysa

Xukuumadda iyo baarlamaanka Shacabka Soomaaliyeed waxay u dhaarteen ilaalinta hantida shacabka, haddii ay arrin maamul goboleedyadu sidan kusii socoto waxaa meesha ka baxay shaqada dowlada dhexe oo dalka waxaa awood badan ku yeelanaya maamul goboleedyada sida hadda muuqata.

Heshiisyada ay galeen Maamulada Somaliland iyo Puntland ee hantida shacabka Soomaaliyeed lagu wareejiyay waa in lasoo celiyo gacanta shacabka Soomaaliyeed ee xaqa u leh inay maamuushaan si dowladnimadu meel kaliya u noqoto oo aan qolo kasta dhinaceeda u shaqeysan.

W/Q Xuseen Cabdulle Maxamed.