Soomaaliya iyo Ciraaq oo deg-deg uga wada-shaqeynaya hal arrin + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ka wada shaqeynaya kor u qaadista iskaashiga dhanka caafimaadka, ayadoo deg deg looga shaqeynayo sidii dhaqaatiir Soomaaliyeed ay deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalkaasi.

Arrintan ayaa si gaar ah loogu lafa-guray kulan ay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq ku wada yeesheen wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam oo safar shaqo ku jooga dalkaasi iyo dhiggiisa Ciraaq Dr. Saleh Mehdi Al-Hasnawi.

Wasiirka ayaa dowlada Ciraaq ku booriyay isdhaafsiga khibradaha caafimaad iyo taageeradooda ku aadan tababaridda dhaqaatiir Soomaaliyeed, taasi oo uu soo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ciraaq.

Al-Hasnawi ayaa xusay in ay si deg-deg ah uga shaqayn doonaan sidii dhaqaatiir soomaaliyeed ay deeqo waxbarasho uga heli lahaayeen dalka Ciraaq.

Wasiir Cali Xaaji ayaa uga mahad’naqay dhiggiisa Ciraaq Dr Saleh Mehdi Al-Hasnawi soo dhawaynta diiran ee ay dowladda Ciraaq u fidisay intii uu ku sugnaa wadanka Ciraaq iyo marti-galinta meertada 61-aad ee shirka golaha wasiirada caafimaadka carabta.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay balan-qaadka dowlada Ciraaq ee tababaridda dhaqaatiirta Soomaaliyeed si dalkeenu u helo xirfadlayaal caafimaad oo tayadoodu sarayso.

Kulankaan ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay la-tiyaha 1-aad ahna kusimaha danjiraha safaaradda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Ciraaq Cabdifatax Sheekh Axmed.