Soomaaliya iyo Itoobiya oo saddex arrin iska kaashanaya

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal Waaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay galab gaaray magaalada Addis Ababa ayaa xalay la kulmay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ayaa ka wada hadlay, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee deriska, isla-markaana iskaashi xoogan looga samayn lahaa saddex dhinac oo kala ah: 1- Arrimaha amniga, 2- Ganacsiga, 3- Iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wafdiga Ra’iisal Wasaare Barre ayaa Caasimadda Addis Ababa kaga qaybgeli doona shirka caalamiga ee Madasha Tana, oo looga hadlayo amniga Qaaradda Afrika.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa Warbaahinta u sheegay “Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ay dalka Itoobiya kaga qaybgeli doonaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto, oo la yiraahdo Madasha Tana Forum, oo si gaar ah looga hadlo dhibaatooyinka amniga ee soo wajaha Qaaradda Afrika.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo la filayo in shirka uu khudbad ka jeediyo ayaa waxa uu kaga hadli doonnaa dhibaatooyinka xagga amniga ee haysta dalal fara-badan oo qaaradda ah, oo ay ka mid tahay Somaliya, oo si gaar ah ula dagaalameysa kooxda xagjirka ah ee argagixisada Al-Shabaab.”