Qaraxii Soobe – ‘Waxa uu reebay raad weli muuqda oo aan si sahlan u duugmi karin’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ka hadlay qaraxii Soobe ka dhacay Shan sano ka hor maanta oo kale 14-kii October 2017-kii, ayaa sheegay in weli uu muuqdo raadkiisa oo si sahlan u duugmi karin.

James Swan ayaa sidoo kale sheegay in marka la eego waqtiga qaraxa uu dhacay uu fog yahay, hase yeeshe weli xusuustooda aysan ka go’in dadka Soomaaliyeed ee ehelkooda iyo asxaabtooda ku waayay, kuwa ku dhaawacmay iyo kuwa dhibbanayaasha kale u ah qaraxaas.

“Waxaa laga yaabaa in waqti dheer laga joogo laakiin xanuunka baahsan ee uu sababay weerarkan naxdinta leh ayaa weli taagan, waxaana fikradaheenna ay ku wajahan yihiin dadka waayey qoys iyo asxaab iyo sidoo kale kuwa ku dhaawacmay,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray James Swan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah qaraxa ismiidaaminta ahaa ee xiligaas loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah, kaasi oo ku qarxay isgoyska saxmada badan ee Soobe.

“Qaramada Midoobay waxay si adag u garab taagan tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed dadaalkooda hagar la’aanta ah ee lagu soo afjarayo argagixisanimada iyo sidii Soomaaliya loogu dhoweyn lahaa waddada nabadda iyo xasilloonida.”

Qaraxii maanta oo kale Shan sano ka hor ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u badan, ayada oo ku dhinteen dad ka badan 500 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo aad u badan.

Sidoo kale waxaa qaraxaas raq iyo ruux lagu waayay tobaneeyo ruux, halka ay ku hanti waayeen qoysas badan oo la kulmay dhibaatada halkaas ka dhacday.