Xukunno dil iyo xabsi ah oo lagu xukumay askar ka tirsan AMISOM oo shacab laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamad racfaanka Uganda ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Labo askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee howlgalka u joogay Soomaaliya oo lagu helay inay dil toogasho ah ku fuliyeen 8 qof oo rayid.

Kabtan Charles Asiimwe iyo Corporal Edison Bwambale ayaa ka mid ahaa shan askari ee Uganda u dhashay ee lagu helay todobo dambi oo dil ah oo ay ku riday maxkamadda ciidamada qalabka sida, xilli ay ku sugnaayeen Muqdisho bishii Nofembar ee sanadkii  2021-kii.

Asiimwe iyo Bwambale ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka saddexda askari ee soo hartay  ee kala ah Corporal Alexander Babu, Lance Corporal Phillip Ichumar iyo Private Kerere Tushemereirwe  lagu xukumay min 39 sano oo xarig ah.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib codsi uga yimid koox ka tirsan AMISOM oo loo xil-saaray inay soo baaraan dilka 10 qof oo rayid ah kuwaas oo lagu dilay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose.

Sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada xukunka lagu riday ayaa xiray 7 qof oo shacab ah kadib markii ciidamada Uganda ay wadada ka heleen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana waqtigaas la sheegay in Asiimwe uu amar ku bixiyey in la toogto dhammaan todobada qof ee shacabka ahaa ee aan waxba galabsan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada dilka geystay ay sidoo kale sameeyeen fal naxdin leh kadib markii ay qarax ku xireen meydka dadkii shacabka ahaa oo ay toogteen taasoo ah mid ka baxsan bini’adaadanimada.

Markii uu dilkaas dhacay AMISOM waxay sheegtay inay dishay 7 kamid ah kooxda Al-Shabaab xilli ay isku diyaarinayeen weerar gaadmo ah oo lagu soo qaado ciidamada Uganda taasoo markii dambe la ogaaday inay tahay sheeko wax kama jiraan ah

Wax yar laba bilood ka dib, AMISOM waxay qiratay in Ciidamadooda Nabad ilaalinta ay si sharci darro ah ku dileen toddobo qof oo rayid ah gudaha Soomaaliya, iyagoo ballan qaaday in lala xisaabtami doono askartii ka dambeysay falkaas.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda rafcaanka ciidamada ee Kampala ayaa dhinac isaga dhigtay xukunka dilka ah Arbacadii, iyadoo xukuntay in ciqaabtu ay ahayd mid xad dhaaf ah.

Taa beddelkeeda, Capt Asiimwe iyo Cpl Bwambale ayaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah. Iyagoo wajihi doonaan 19 sano iyo saddex bilood oo kale oo xabsi ah.

Maxkamadda Racfaanka ayaa sidoo kale hoos u dhigtay 16-sano oo lagu xukumay Cpl Ichumar iyo Pte Tushemererwe, iyadoo sheegtay in labadan nin ay u hogaansameen awaamiir ka soo baxay saraakiishooda, taasi oo ay aheyd in lagu xisaabtamo marka ay xukunka ridayaan.

Corporal Babu oo kamid ah raga lagu soo eedeeyay dilalka rayidka ayaa waxaa sii daayay maxkamadda rafcaanka, iyadoo xustay in marqaatiyaasha xeer ilaalintu aysan ku lug lahayn Corporal Babu mid ka mid ah dilalka rayidka.