25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Soomaaliya iyo Sacuudiga ‘oo kor u qaadaya’ iskaashiga laba dhinac oo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha ciidanka xoogga dalkaas General Fayyad Al-Ruwaili.

General Fayyad ayaa ugu horeyntii waxa uu wasiirka iyo wafdigiisa si weyn ugu soo dhaweeyay dalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sacuudig ayaa waxay kulankaan uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ciidamada labada dal.

Sidoo kale waxay labada masuul lafa-gureen sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay wasiir Jaamac.

Dhawaan unbay aheyd markii ay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kulan muhiim ah ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

Labada hoggaamiye ayaa waxay markaas ka wada-hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya & Sacuudiga iyo kobcinta iskaashiga labada dhinac, sida lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Kulankaas ayaa sidoo kale waxay labada masuul uga wada-hadleen gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ay ka wadaan gobollada dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

- Advertisement -

Read more

Local News