Somaliland oo qaaday tallaabo ka dhan ah Cabdirisaaq Khaliif oo tegay Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Somaliland ayaa u gudbisay Golaha Wakiillada ee Somaliland in la laalo xubinnimadii Golaha Wakiillada ee guddoomiyaha golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Dacwadaan waxaa ku saxiixan xeer ilaaliyaha Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan. Xeer Ilaalinta ayaa ku eedaysay guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif inuu jabiyey dastuurka Somaliland.

Guddoomiyaha ayaan weli ka hadaly eedeynta loo jeediyey, waxaana la xaqiijiyey inuu ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo dagaal looga saaray Somaliland.

Dacwadda ay gudbisay xeer ilaalinta Somaliland ayaa ka kooban afar eedeymood oo kala ah:

1 – In uu guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ka hor yimid jiritaanka iyo minidamada Somaliland, kadib markii uu taageeray go’aannadii ay soo sareen odayaasha dhaqanka Laascaanood oo sheegay in Sool, Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn Somaliland isla maraakana ay hoos tagayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay in guddoomiyuhu uu jebiyay qodobka 1-aad iyo 2-aad ee dastuurka Somaliland.

2 – In Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu ka been sheegay dhaartii daacadnimo ee ugu dhaartay Somaliland.

3 – In uu jebiyay dastuurka Somaliland, kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo in golaha uu ka maqnaa 20 fadhi fasax la’aan.

4 – Iyo inuu cambaareeyay ciidamada Somaliland, iyadoo lagu eedeeyay in uu yiri waxay geysteen xasuuq ka dhan ah bini’adannimada.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ka dalbatay in meesha laga saaro xubinnidamada golaha wakiillada ee Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, maaddaama ay sheegeen in uu dastuur jebin ku kacay.

Intaas kadib Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif u dirtay warqad ay uga dalbaneyso inuu 7-cisho kaga soo jawaabo dacwad dastuuri ah oo xeer ilaalinta Somaliland ay u soo gudbisay maxkamadda.