Daawo: Xukunka nin ka tirsan Daacish oo ‘Kufaar’ u yaqaan dadka ku nool Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dacwadiisa soo gabagabeysay, xukun adagna ku riday Warsame Xasan Cabdi oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ka dagaalanta qeybo kamid ah Soomaaliya.

Ninkaan ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho uu ka aaminsan yahay inay yihiin ‘Kufaar’ isla markaana ay qolo kasta ku qiimeeyaan waxa uu aaminsan yahay hoggaamiyahooda.

Ninkaan waxaa lasoo bandhigay muuqaalka isagoo suuqa Bakaaraha ku xabadeynayo goobo ganacsi oo diiday inay canshuur siiyaan Daacish, ilaa laba tukaan ayaa lasoo bandhigay isagoo xabadeynaya.

Lama sheegin cid ku geeriyootay xabadihii uu goobaha ganacsiga ee suuqa Bakaaraha uu ka dhex-riday Warsame, waxaana la qabtay bilo ka hor.

“Waxaa la ii soo diray inaan soo xiro tukaamada ka furan Bakaaro ee diidan inay bixiyaan canshuurta Daacish, dhowr xabo ayaan kor ugu riday tukaamadii aan tegay,” ayuu yiri ninkaan oo lasoo bandhigay isagoo xabadeynaya ganacsatada Bakaaraha.

Maxkamadda ciidamada oo muddo gacanta ku heysay kiiska ninkaan ka tirsanaa Daacish ee ‘Kufaarta’ u yaqaanka dadka reer Muqdisho ayaa maanta ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah.

“Xamar waa daarul kufri, daarta shacab laguma qiimeeyo, waxaa lagu qiimeeyaa hoggaamiyaha ka taliya, kitaabka uu ku dhaqmo ayey ku xukuman yihiin dadka ku nool magaaladaas,” ayuu yiri Warsame oo 15 –sano oo xabsi ah lagu xukumay maanta.

Wuxuu sheegay in yaraantiisii uu ahaa xoolo dhaqato, isla markaana uu ku dhashay gobolka Gedo, sidoo kale uu xoolihiisa u naq raaciyey qeybo ka mid ah gudaha dalalka deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya.

“Geel iyo Lo’ ayaan raaci jiray, dhul badan ayaan la maray, si aan u daajiyo, waxaan Daacish uga biiray duleedka Beledxaawo, muuqaaladooda ayaan daawaday, waxaana ka dhacay buuraleyda gobolka Bari, anigoo maray dhulka, waxaana halkaas kula kulmay Cabdulqaadir Muumin,” ayuu yiri Warsame.

Hoos ka daawo