28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashigooda xilli ay wajayahaan halista…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa mar kale qaaday tallaabo ay ku xoojinayaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal, kadib kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen Ra’iisul wasaare Xamse iyo safiirka Shiinaha Danjire H.E. Wang Yu.

Labada mas’uul oo ku shiray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa  xiriirka iyo iskaashiga qotada dheer ee u dhaxeeya labada dowladood.

Ra’iisul wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Sidoo kale Danjire Wang Yu, ayaa isaguna dhankiisa kulanka ka sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, isla markaana ay dhankooda  sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Shiinaha ayaa maalmihii u dambeeyay sare u qaaday dadaalladiisa dhanka amniga iyo diblomaasiyadda ee Soomaaliya, tallaabo ay falanqeeyayaashu u arkaan inay tahay jawaab toos ah oo ku wajahan iskaashiga sii ballaaranaya ee u dhexeeya Taiwan iyo Somaliland.

Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa toddobaadkii hore xaqiijisay inay wadahadallo la yeelatay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliya, kuwaas oo lagu doonayay in kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac. Sida lagu sheegay qoraal ay safaaraddu ku baahisay barta bulshada ee X, wadahadalladaas waxay diiradda saareen amniga xeebaha, iyadoo labada dhinac ay hoosta ka xariiqeen sida ay uga go’an tahay “ilaalinta madax-bannaanida qaran iyo midnimada dhuleed.”

In kasta oo aan la bixin faahfaahin qoto dheer, haddana ilo-wareedyo u warramay Caasimada Online ayaa sheegay in saraakiil Shiinaha ka tirsan ay ku dhiirrigeliyeen mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay shaqaaleeyaan oo hubeeyaan dad ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, si loo geeyo xeebaha gobolkaasi — arrin khatar hor leh ku ah xiisadda muddada dheer taagneyd ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Hargeysa.

Dhaq-dhaqaaqan diblomaasiyadeed ee xooggan ayaa ku soo beegmay kaddib heshiis cusub oo dhinaca badda iyo kalluumeysiga ah oo ay kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland — laba maamul oo is-xukuma balse aan helin aqoonsi caalami ah.

- Advertisement -

Read more

Local News