Soomaaliya iyo Turkey oo saxiixday heshiis SHIDAAL qodis oo taariikhi ah + Sawirro

Istanbul (Caasimada Online) – Turkey iyo Soomaaliya ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis shidaal sahmin iyo qodis, ayaga oo sii xoojiyey xiriirkooda kadib heshiiskii difaac ee ay dhowaan galeen.

Heshiiska ayaa beegsanaya keyda shidaalka ee aagga dhaqaalaha badda Soomaaliya, oo aan wax horumarin ah lagu sameyn tan iyo markii ay buburtay dowladdii kali-taliska aheyd ee Soomaaliya 1991-kii. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah sahmin dhanka dhulka ah.

Heshiiska ayaa waxaa magaalada Istanbul ku saxiixay Wasiirka Tamarta Soomaaliya Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib heshiiskii dhowaan ay saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, kaasi oo Addis-Ababa siinaya marin badeed iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiskaas ayaa waxaa ku gacan sayray Muqdisho.

Ayada oo laga jawaabayo, ayaa Ankara waxay heshiis difaac badeed oo 10 sano ah la gashay Soomaaliya bishii tagtay, kaasi oo Muqdisho ay sheegtay inuu Turkiga ku waajib yeelayo inay ka difaacdo badda Soomaaliya, argagixisada, burcad badeedda iyo halista dibadeed ee ku xadgudbi karta madax-banaanida Soomaaliya.

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa sidoo kale waxay Turkey ku hormarin doontaa kheyraadka badda Soomaaliya ee aagga dhaqaalaha gaarka ah.

Ciidamada badda Turkey ayaa horey uga howl-galayey xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, ayaga oo qeyb ka ah xoogagga la-dagaalanka burcad badeedda ee QM ay aas-aastay 2009.

Turkey ayaa khibrad fog u leh sahminta tamarta ku jirta badda, waxayna sanadkii 2020 ay heshay gaas ku jira Badd Madow.

Warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa tilmaameysa in Soomaaliya ay leedahay key saliid iyo gaas oo dhan 30 bilyan oo barmiil, balse ay u baahan tahay maal-gelin qaadan karta saddex illaa shan sano.

Sanaddii 2022, dowladda Soomaaliya ayaa heshiis shidaal sahmin la gashay shirkadda Mareykanka ee Coastline Exploration, kaasi oo loogu saxiixay 7 ka mid ah xirmooyinka shidaalka ee badda. Shidaal qodista ayaa la qorsheeyey inay billaabato 2025.

Dhinaca kale, Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ah, ayaa heshiis shidaal sahmin la gashay shirkadda fadhigeedu yahay London ee Genel Energy 2022-kii, heshiiskaas oo ay sharci-darro ku tilmaamtay dowladda federaalka.