Soomaaliya – Ma albaabkii TURKIGA ee Bariga Afrika?

Turkiga oo toban sano ka hor August 19, 2011 u soo gurmaday Soomaaliya oo ay ka jirtay macaluul iyo colaad sokeeye ayaa khibrad la wadaaggiisa aqoon, maalgashi dhaqaale iyo ciidan dhiskiisaba gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada dowladnimada dalka. 

Burburka ka dhacay Afghanistan ayaa marqaati ma doonto u ah inaan laysku hallayn karin cudud shisheeye. Afartii sano ee la soo dhaafay, mudnaanta kowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ahayd dhismaha ciidamo tayo xirfadeed iyo asluub waddaninimo leh si loogala wareego AMISOM mas’uuliyadda amniga dalka. 

September 2017, ayuu Turkiga ka furay Muqdisho  Kulliyadda TurkSom oo ay ku baxday maal dhan ilaa 50 malyan doolar lehna awood ay ku tababbarto in ka badan 1,500 askari markiiba iyo 200 sarkaal. 

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yılmaz oo la hadlayey wakaaladda wararka “Anadolu” ayaa sheegay in dalkiisu uu u tababbari doono Soomaaliya inta u dhaxeysa 15,000 ilaa 16,000 askari, (Daily Sabah 04/08/2020).

Dhawaan, dowladda Turkiga waxay ku deeqay Soomaaliya gawaarida gaashaaman oo iskugu dhafan kuwo aysan karin waxyaabaha qarxa iyo gaadiid leh udub dhexaad lagu rakibo qoryaha darandoorriga u dhaca oo lagula dagaallami doono xagjirta. 

Wixii ka horreyey 1975-78, Turkigu waxuu lahaa warshado yar oo lagu farsameeyo hubka. Mareykanka oo uu ka iibsan jireen qalabka kabka ayaa ku soo rogay xayiraad, taasoo ku dhalisay inuu si dhaqsa leh u hormariyo warshadaha muhiimka u ah baahidiisa, si uu uga kaaftoomo ku tiirsanaanta Dibedda.

Shantii sanadood ee u dhexeysay 2015 – 2019 hub soo dejintiisa waxay hoos u dhacay 48% marka la barbardhigo shantii sano ee ka horreysay. Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo saaraan in ka badan 70% qalabka baahida dalkiisa (BBC News 23/10/2019).

Dadaalka heerarka kala duwan ee niyadsamida ku bilowday ayaa unkay xidhiidh bulshadeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Haseyeeshee, siyaasiyiin xildoon ah iyo baraha bulshada aan xasillooneyn ayaa meel kaga dhacay hiilkii walaalnimo. Waxay ahayd faduul dalal gaar ah ay ku doonayeen inay Turkiga suuqa kaga saaraan. 

Intii u dhexeysay 2010 ilaa 2019 waxuu hub u dhoofiyey ilaa iyo 28 waddan. Waxaa lagu qiyaasayaa hubka uu dhoofiyey 2018 keliya ilaa 2.2 bilyan doolar.

Dalka Kenya ayaa ka iibsaday ilaa 118 gawaariga gaashaaman kaddib markii ciidamada gorgor  oo ku qalabeysan hubka Turkiga muddo saacada ah ku soo afjareen miliishiya Kenya soo hubaysay.

Warshadaha Turkiga ayaa ka mid yihiin 100 shirkadood ee ugu waaweyn adduunka. Waxay si tartiib tartiib ah u kordhiyeen ka iibinta badeecadooda dalal Afrika oo ay ka mid yiniin: Algeria, Burkina Faso, Ghana, Liibiya, Mauritania, Nigeria, Rwanda, Senegal, Tunisia, Uganda (Geopolitical Monitor 16/12/2019).

Sida ay December 2020 sheegtay hay’adda “Stockholm International Peace Research Institute’s (SIPRI’s)” Turkigu waxuu ka mid yahay afarta hub dhoofiyeyaal ee soo shaac baxay waayahaan oo ay ka mid yihiin Brazil, Koonfurta Kuriya iyo Imaaraadka [oo dulaala ah].

Maalka la qiyaasayo in dowladda Turkiya ay gelisay warshadaha qalabka difaaca ayaa kor u dhaafaya 60 bilyan doolar, taas oo qiimaha warshadahaas oo ahaa hal bilyan doolar 2002kii, gaarsiisay ilaa iyo 11 bilyan 2020kii (Carnegie Endowment for International Peace 09/10/2020).

Lama dafiri karo in Turkigu wixii ka dambeyey u soo gurmadkii Soomaaliya uu noqday ciyaaryahan saameyn ku leh Afrika.  

Isha: Jamhuriyadda.com