Farmaajo oo codsaday inuu bixiyo diyada Ikraan Tahliil kiiskana la soo xiro + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay, Dr. Xasan Faarax Axmed oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan Tahliil Faarax Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay siyaasiyiin iyo odoyaal sheeganaya inay yihiin ehellada marxuum Ikraan Tahliil Faarax.

Dr. Xasan Faarax Axmed ayaa sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ganacsade Xuseen Dhoobow iyo odoyaal kale oo qaraabo kore la ah Ikraan ay la kulmeen Farmaajo kadibna ay kula hadleen in uu bixiyo diyada Ikraan, isagoo sidoo kale codsaday in kiiskaan la xiro oo aan maxkamad la geynin. 

“Anigoo ah adeerka runta ah ee Ikraan waxaa halkaan ka sheegayaa in aanan wax diyo ah qaadan doonin, xildhibaan Jeesow iyo Xuseen Dhoobow waxaan ugu baaqayaa in kiiska Ikraan gacanta kala baxaan,” ayuu yiri Dr Xasan Faarax Axmed. 

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan ayaa horey u sheegtay in waxa kaliya ee ay ku qanceyso ay tahay in gabadheeda ay caddaalad hesho, waxayna uga digtay Daahir Amiin Jeesow oo ku beel ah Ikraan, balse aan wax xiriir ah kala dhaxeyn, inuu faraha kala baxo kiiska gabadheeda. 

In madaxweyne Farmaajo uu codsado diyada bixinta Ikraan Tahliil ayaa ka dhigan qirashada dilka Ikraan oo loo haysto xubnihii ugu sarreeyay hay’adda NISA, waxaana la sheegay in sababta ugu weyn ee u hortaagan yahay ay tahay difaaca xubno kamid ah saraakiisha ku lugta leh.

Ra’iisul Wasaare EMaxamed Xuseen Rooble ayaa gudi saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, waxaana ka dhashay mowjado siyaasadeed aad u culus iyo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.