Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ee Soomaaliya

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa weli ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha aqalka sare, gaar ahaan xubnaha sideeda kursi ee ka imaanaya dhanka maamulkaasi, laguna dooranayo Jowhar.

Diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ayaa lasoo gaba-gabeynayaa gelinka dambe ee maanta, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee HirShabelle.

Sidoo kale beri oo Axad ah, kuna beegan 12-ka bisha September ayaa qorshuhu yahay inay hadal jeedin sameeyaan xubnaha musharixiinta ah ee is-diiwaan-geliyey, kadibna waxaa la guda-geli doonaa qabashada doorashada, si loo soo xulo Senatarada ka imaanaya Jowhar.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamada booliiska ay howl-gallo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada ka wadaan halkaasi.

Doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa ah mid xamaasad leh, kana duwan marka loo eego doorashooyinkii ka dhacay xarumaha kale ee dowlad goboleedyada, kadib markii madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe uu tartanka doorashada ka dhigay mid furan.

Kuraasta ayaa waxaa ku tartamayaa ugu yaraan saddex musharrax illaa ugu badnaan lix musharrax, waana sababta xiisadaha u yeeshay doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle.

Dhinaca kale musharixiinta oo haatan intooda ku sugan Jowhar ayaa wada ololahhoodii ugu dambeeyey, waxaana ka mid ah xubnahaasi siyaasiyiin saameyn ku leh Soomaaliya.

Si kastaba HirShabelle ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu dambeeyey ee guda-gala qabsoomida doorashooyinka golaha aqalka sare oo horay uga bilowday maamullada kale.