Xog: Mursal oo kusoo biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan ay caddaalad hesho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhacay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan Tahliil Faarax ay hesho cadaalad, taasi oo uu ka shaqeynayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Mursal, oo hoos taga Farmaajo, horena ugu gacan siiyey muddo kororsigii fashilmay ee dhaliyey dagaalka, ayaa xiligan door ka qaadanaya daminta kiiska Ikraan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sidoo kale, Mursal ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo Golihii Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday lagu soo nooleeynayo, si loo carqaladeeyo dadaalka Ra’iisul Wasaaraha, laguna hor istaago cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda.

Mursal ayaa Khamiistii ka horyimid dhaarintii Wasiirka cusub ee amniga, taasi oo uu hore u diiday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, waxayna marag ma doon cad u noqoneysa in Mursal oo markale dhinaca saaray saaxiibkii Farmaajo.

Mursal ayaa ku doodaya in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, wuxuuna shaki galiyay awoodaha Ra’iisul Wasaaraha ee xiliga kala guurka.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

“Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale laga dooranayo.”

Maxamad Mursal ayaa hore ugu fashilmay hirgelinta qorshayaasha Farmaajo, kuwaasi oo qaarkooda ay halis u geliyey dalka colaad sokeeye, kadib markii uu meel-mariyey mudda-kororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday.